Maraykanku wuxu sheegay in ay Suuriya diyaarinyso weeraro kiimiko ah

 

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ogaatay suurta-galnimada in ciidamada Suuriya ay diyaarinayaan weerar Kiimiiko oo la mid ah kii bishii April ka dhacay waqooyiga Suuriya ee dhaliyey in Maraykanka kaga jawaabo duqeymo diyaaradeed.

Bayaan goor dambe oo isniintii kasoo baxay afhayeenka Aqalka cad Sean Spicer ayaa uga digay madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad in haddii ciidamada dawladdiisa ay fuliyaan weerar kale oo Kiimiko, in isaga iyo malatarigiisa ay la kulmi doonaan jawaab.

Ma jiraan wax caddeymo ah oo ku saabsan diyaargarowga weerarka kiimiko oo dawladda Maraykanka ay soo bandhigtay.

Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa barteeda twitter-ka ku sheegtay in weerar kasta oo ka dhan ah shacabka Suuriya lagu eedeyn doono Assad, iyo dawladaha Ruushka iyo Eeraan oo ku taageera inuu dilo dadkiisa.

Ruushka iyo Eeraan ayaa ah labada dal ee taageerada ugu weyn siiya Assad, iyaga oo dhanka milatariga ka caawiya dagaalka uu kula jiro mucaaridka Suuriya iyo mintidiinta kooxda Daacish.

Ma jiraan wax jawaab ah oo Suuriya, Ruushka iyo Eeraan ay ka bixiyeen warka cusub ee kasoo baxay Aqalka Cad.

bandhige@gmail.com