Maraykanku wuxu tijaabiyey gantaal nooca sawaariikhda ka hor taga ah

 

Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in ay ku guulaysteen tijaabinta gantaal hawada ku qaban kara gantaalaha qaaradaha iskaga gudba ee ay dhici karto in Maraykanka lala soo beegsado.

Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Waqooyi.

Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga ganay saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacific-ga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiiradaha Marshalls.

Milatariga ayaa tijaabadan ay sameeyeen ku tilmaamay tallaabo wayn oo hore loo qaaday.

Todobaadkan horraantiisii ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay samaysay tijaabadii sagaalaad ee gantaalaha nooca ridada dheer ah sannadkan gudihiisa.

bandhige@gmail.com