Maraykanku wuxu weeraray Suuriya goobaha ay xukuumadda Bashaar Asad ka taliso

 

Maraykanka ayaa sheegay in uu weerar loo adeegsaday gantaalaha ‘Cruise’ loo yaqaanno ku qaaday bartilmaameedyo ay leedahay xukuumadda Suuriya.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in tiro ka badan 50 gantaal oo an nooca ‘Tomahawk’ laga soo riday markab ciidanka badda ee Maraykanku leeyahay oo fadhiya badda Mediterranean.

Goobaha uu Maraykanku gantaalaha ku ganay wax aka mid ah garoon ay ciidamada cirka ee Suuriya ku leeyihiin magaalada Xumus, halkaasoo Maraykanku uu sheegay in dayaaradaha dagaalka ee Suuriya ay ka qaadeen weerarradii hubka kiimikada ee lagu laayey dad joogay magaalo ay fallaagadu haysato.

Goor sii horreysay ayaa Ruushka oo ah saaxib la ah Suuriya wuxuu digniin ku bixiyey in ficil kasta oo milati oo uu Maraykanku ka sameeyo Suuriya uu yeelanayo cawaaqib xun.

Sidoo kale Maraykanka ayaa goor sii horraysay sheegay in ay qorshaynayaan talaabo milateri oo jawaab u ah weerarkii sunta kiimikada ah ee xukuumadda Suuriya ay u adeegsatay magaalo ay fallaagadu haysato, halkaasoo ay tiro dad ah ku dhinteen.

bandhige@gmail.com