Mareaykanku wuxu cunaqabatayn dheeraad ah kusoo rogaya Kuuriyada Waqooyi

 

Madaxweyne Donald Trump ayaa u war-bixin la wadaagay dhammaan xubnaha aqalka senate-ka ee Maraykanka. Madaxweynuhu wuxu ka hadlay khatarta Maraykanka kaga imaneysa dawladda Kuuriyada Waqooyi, waxaa uu na soo bandhigay qorshe uu doonayo in lagu ballaadhiyo cunaqabatayn la saaro dalkaasi.

Ujeedada howshan laga leeyahay ayaa ah in dawlada Waqooyiga Kuuriya culays lagu saaro sidii ay uga hadhi lahayd isticmaalka gantlaada ballistika iyo hubka Nuclear-ka.

Maraykanka ayaa muddaba walaac ka muujinayay hubka Nuclear-ka ee ay dawladda Waqooyiga Kuuriya haysato.

War qoraal ah oo hadda Maraykanka uu soo saarayna waxa lagu sheegay in wadahadalku uu furan yahay. Balse Maraykanku uu diyaar u yahay in uu difaaco isaga iyo saaxibidiisaba.

Madaxwayne ku xigeenka dalka Maraykanka, Mike Pence ayaa horay uga digay in miiska ay saaran yihiin dhammaan talaabooyiinka lagula tacaalayo Kuuriyada woqooyi.

Wuxuu hadalkan jeediyay mar uu booqday xuduuda labada Kuuriya ee militiriga badan ay joogaan.

Pence ayaa sheegay in waqtigii xeeladaha dulqaadka ee Kuuriyada Waqooyi ay dhammaadeen. Dhanka kale Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa horay u sheegay in in ay marwalba ay sii wadayaan tijaabada gantaalada.

Wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda ee xukuumadda Pyongyang Han Song-ryol ayaa intaa ku daray in ay tijaabin doonaan gantaaladooda toddobaad, bil iyo sannad walba.

bandhige@gmail.com