Marwada Koowaad Aamina-Weris waxay xadhiga ka jartay dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta Agoomaha Burco

Marwada Koowaad  ee Qaranka Aamina-weris ayaa xadhiga ka jartay dhismayaal cusub oo lagu kordhiyey xarunta Agoomaha lagu xanaaneeyo ee URTAHEGAN iyo weliba Xarunta Daryeelka Darbijiifta Magaalada Burco, sidoo kale ugu deeqday midkiiba 7 neef oo adhi oo loo qalo carruurtaasi.

Aamin-weris ayaa xadhig ka jarida ka dib soo kormeertay xarunta oo qol qol u gashay meelaha ay seexdaan iyo Goobaha ay carruurta agoomaha ah ku jiraan.

Aamina-Weris ayaa bilihii u danbeeyey booqasho iyo caawin kale ku kala bixisay xarumaha Agoomaha Hargesa iyo Gabileyba.

 

bandhige@gmail.com