Marwada koowaad waxay xadhiga ka jarid iyo kormeer ku aaday Gobolka Gabiley

Wafti balaadhan oo ay hoggaaminayso  Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ay wahelinayeen Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Af-hayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige “Xuseen Deyr”, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis “Khadra Xaaji Geydh”, Maareeyaha Sama-falka amina Maxamuud Diiriye, masuuliyiinta Ururka NOW iyo masuuliyiin kale.

Weftigan ayaa markii uu gaadhay Arabsiyo ayaa waxay  marwadu xadhiga ka jartay Kawaanka Hilibka ee degmada Arabsiyo oo ay iska kaashadeen Golaha Deegaanka iyo Dawladda Hoose ee Gabiley.
Ka dibna waxay weftigi uga sii gudbeen dhinaca  Gabiley waxaanay marwadu xadhiga ka jartay Waddo 1 Kiilo Mitir ah oo isku xidhi doonta dawladda Hoose ee Gabiley iyo magaalada, waxa kale oo ay xadhiga ka jartay dhisme dabaq ah oo ay yeelan doonaan Golaha Deegaanka Gabiley.

Sidoo kale waxay Marwadu xadhiga ka jartay sariibada cusub, laba fasal oo lagu kordhiyey dugsiga hoose ee Bilic-weyne iyo xarunta ururka NOW oo dhammaantoodba laga hirgeliyey Gabiley.

Waxa kale oo ay agab Kambayuutaro ah oo dhan 23-Computers ku wareejisay Dugsiga sarre ee Qalax 2, deeqdaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradda Maaliyada iyo Golaha Deegaanka Gabiley.

Sidoo kale waxay Marwadu soo kormeertay  Garoonka Kubbadda Cagta ee Mo Farah oo hada dhismihiisu ka socdo koonaha magaalada.

Ka dibna weftigii marwadu waxay uga sii gudbeen dhinaca kala baydhka halkaasi oo ay Marwadu xadhiga ka jartay saldhig boolis oo halkaasi laga hirgeliyey, waxaanay ku wareejisay gaadhi boolis oo loogu adeegi doono Degmada.

Dhanka kalena waxay Marwadu soo kormeertay wadada isku xidha Kala-baydhka iyo Degmada Dilla oo mudooyinkii u danbeeyey ay ka socotay hawl-balaadhan oo dib loogu dhisaayo jidkaasi oo imika gebegebo ku dhaw.

bandhige@gmail.com