Masaajid Shiicadu leedahay oo ku yaal Bangladesh oo la weeraray, ISIS oo sheegatay

Saddex nin oo madaxa soo duubtay ayaa weerar ku ekeeyey masaajid Shiicadu ku leedahay Bangladesh oo ku yaala magaalo 150 kiiloomitir koonfur ka xigta magaalamadaxda dalkaas aa Daka.

Waxa la sheegay in masaajidka markii la qarxinayey ay ku tukanayeen 20 qof oo kali ahi, sidaas daraadeedna uu ku dhintay oo kali ah hal qof halka ay saddex kalena dhaawac noqdeen.

Kooxda Dawladda Islaamiga ah ee “ISIS” ayaa sheegatay in ay weerarkaas ka dambaysay. Laakiin saraakiil ka tirsan xukuumadda Bangladesh ayaa diidday in ISIS ay wax hawl-gal ah ka sameeyaan Koonfurta Aasiya, gaar ahaan dalkan oo ay ku nool yihiin 160 milyan oo qof.

Qarax kale oo ka dhacay magaalo-madaxda Bangladesh ee Daka 24-kii October ayaa ISIS ay sidoo kale sheegteen, waxase beeniyey xukuumadda Daka. Qaraxaasna waxa lala beegsaday masaajid ay Shiicadu ku cibaadaysato, waxana ku dhintay hal qof.

Bandhige@gmail.com