Masar: Laba dalxiise ayaa la dilay afar kalena waa la dhaawacay

Qof aan wali haybtiisa la aqoonsan ayaa toorray la dhacay lix dalxiiseyaal ajaanib ah hudheel ku yeel xeeliga Badda Cas ee Masar. Laba ka mid ahi isla markiiba way geeriyoodeen afarna waa dhaawac.

Labada qof ee weerarkan ku geeriyooday ayaa u dhashay dalka Yukrayn halka afarta dhaawaca ah ay saddex ka mid ahi u dhasheen Seerbiya midina Poland.

Qofkii weerarka gaystay gacanta ayaa lagu dhigay. Lama garanayo sababta uu qofkani u weeraray dalxiiseyaasha ajaanibka ah.

Xukuumadda Yukrayn ayaan wali ka hadal dhibaatada soo gaadhay muwaadiniinteeda iyadoo ay u badan tahay in ay war rasmi ah ka sugayso xukuumadda Masar.

Sidoo kale, xukuumadda Masar ayaan wali war rasmi ah soo saarin. Hase yeeshee waxa khasaaraha weerarkan kadhashay la wadaagay Wakaaladda Wararka ee AP sarkaal ka tirsan xukuumadda Masar oo ka cudurdaartay in la carabaabo.

Bishii koowaad ee sannadkii hore ayaa sidan oo kale weerar loogu gaystay Masar ajaanib dalxiisayaal ah halkaas oo laba ka mid ah lagu dilay. Dadkii weerarkaa gaystay waxay iyaguna ku hubaysnaayeen mindiyo iyo bambooyin.

Bandhige kala soco wixii hadba warkan ka soo kordha.

Il-wareed: Aljazeera

Bandhige@gmail.com