Alle ha U naxariistee waxa maanta Cisbitaalka Guud ee Hargeysa ku geeriyooday Maxamed Cabdi Iskeerse oo ka mid ahaa Aasaasayaashii xisbiga Kulmiye horena wasiirkii ganacsiga uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.
Iskeerse ayaa muddo xanuun u jiifay Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana dhawr goor halkaasi ku booqday mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweyne Siilaanyo.
Iskeerse ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay Xukuumaddihii kala danbeeyay ee soo maray talada Soomaaliya intii aanay Somaliland ka go’in Soomaaliya inteeda kale.
sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Wasiirka Caddaalada Somaliland Axmed faarax Cadarre, Marxuumka ayaa lagu aasi doonaa maalinta berri oo Xabaalaha Xeedho ee waqooyiga Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo hoggaamiyeyaasha asxaabta qaranka ayaa tacsi u diray ehelada iyo asxaabtii iyo Dhammaan qaranka Somaliland eek u ka baxay marxuumku
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 18.06.2016.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah, aqoonyahan ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.