Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa saaka xukun ku riday tifatirahii HCTV Cabdiqaadir Coday

Suxufi Cabdiqaadir Cismaan Casayr(Coday) oo ah tifatiraha HCTV ayaa saaka maxkamad ku xukuntay 1sanno oo xadhiga iyo 3Milyan SL Shilin oo ganaax lacageed ah.

Cabdiqaadir oo kiiskiisu ka socday maxkamadda Gobolka Maroodi-jeeh ilaa Bishii November oo ku eedaysnaa warar TV-ga ka baxay oo ka dhan ah gegadda diyaaradaha ee Egal International Airport ayaa saaka laga gaadhay go’aan kama dambays ah.

Wariyaha ayaa la sheegay in intii uu xabsiga ku jiray la soo daristay xaalad caafimaad
darro.

Dhanka kale Ururka suxufiyiinta SOLJA ayaa sheegay inay ka xunyihiin go’aanka maxkamadda ayna ka hawl-geli doonaan talaabadda ku haboon ee loo mari karo in dib loogu soo celiyo xoriyaddiisa si deg-deg ah.

Bandhige@gmail.com