Maxkamadda Gobolka M/Jeex oo Sadax Sano oo Xadhig ah Ku Xukuntay Dirawal Halis Galiyay Naftiisa

Hargaysa (Dawan) Maxkamadda gobolka Maroodi Jeex ayaa sadex sano oo xadhiga ah iyo ganaax lacageed oo dhan laba Milyan oo shillinka Somlailand ah ku xukuntay Dirawal naftiisa halis galiyay, kaasi oo muuqaal uu iska soo duubay lagu arkayay baraha bulshada, isaga oo gaadhiga ku wada labadiisa lugood isla markaasi uu gaadhigu xawaare aad ah ku socdo.

Ciidanka Booliska Somaliland oo war qoraal ah kasoo saaray dhacdad Dirawalkan ayaa ku faahfaahiyay xukunkiisa iyo fal danbiyeedka uu gaystay, warkaasi ayaa waxa uu u dhignaa sida tan:-

“Maxkamadda Gobalka Maroodi Jeex ayaa xukun saddex sannadood oo xadhig ah ku riday iyo ganaax lacageed dhan Laba Milyan oo Shilin Somaliland ah Mahad Xariir Daahir oo dhawaan Ciidamada Booliska JSL gacanta kusoo dhigeen , kaasi oo ku eedaysanaa inuu sameeyay faldambiyeed ka baxsan anshaxa Darawalnimo,isagoo halis galiyay naftiisa iyo badqabka dadka iyo duunyadaba .

Hadaba Taliska Ciidanka Boolisku waxa uu farayaa wadayaasha gaadiidka inay ka digtoonaadaan falalka noocaasoo kale ah, waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan cidii arrimaha noocaasa ku kacda.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com