Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Israa’iil Ambassador Lars Faaborg-Andersen ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray si ba’an ugu cambaareeyey Israa’iil falka ay ku burburinayso guryo ay leeyihiin Falastiiniyiintu oo ku yaalla Daanta Galbeed, kuwaas oo ay ku yaallaan dugsiyo waxbarasho oo ay taageeraan waddamo Midowga Yurub ka tirsan sida Talyaaniga iyo Biljimka.
Safiirka ayaa Israa’iil u sheegay in ay jabiyeen sharci caalamiga iyadoo sannadkii la dhaafay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sharci-darro ka dhigay in Israa’iiliyiinta lagu deegaameeyo Daanta Galbeed iyo waliba in la dumiyo guryaha qadiimka ah ee ay hore u lahaayeen Falastiiniyiinut iyadoo ujeeddadu tahay in lagu beddelo guryo lagu deegaamaynayo Yuhuudda.
Sidoo kale Midowga Yurub waxay xukuumadda Yuhuudda ku eedeeyeen in ay go’doomisay isla markaana u diiday Marinka Qasan in raashinka iyo dawooyinka aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin ay u gudbiyaan hay’adda gargaarka ee caalamiga ah.
Ugu dambayn Midowga Yurub waxay Israa’iil ugu baaqeen in ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah isla markaana ay hay’adaha gargaarka u oggolaato in ay gudaha u geli karaan Gacanka Qasa.
Midowga Yurub ayaa beryahan dambe u muuqda in uu sidii hore kaga af adag yahay Israa’iil kadib markii deegaamaynta daanta Galbeed uu Golaha Ammaanku sharci-darro u aqoonsaday sannadkii la dhaafay.
Bandhige@gmail.com