Milatariga xukuma dalka Myanmar oo ku qasbaya da’yarta hablo iyo wiilalba shaqada Milatariga….

Sida ay sheegayso warbaahinta dawladda, Golaha Milatariga ee xukuma Myanmar ayaa waajib uga dhigaya da’yarta hablo iyo wiilalba in ay ka qaybgalaan shaqada milatariga ugu yaraan labo sano.

Wiilasha da’doodu u dhaxayso 18 jir illaa 35 jir iyo hablaha da’doodu u dhaxayso 18 illaa 27 ayaa laga rabaa in labo sano ay ka qaybgalaan hawlaha milatariga, iyadoo laga dhigi karo shan sano inta lagu jiro xaaladda degdega ah.

Arintan ayaa imaanaysa iyadoo wadankaasi uu wajahayo kacdoono hubeysan oo looga soo horjeedo milatariga xukunka afgambiga ku qabsaday, waxana kooxaha qaar ay doonayaan madaxbannaani.

Dadka xirfadlayaasha ah sida dhakhaatiirta ayaa iyana laga doonayaa marka ay da”da 45 gaaraan in hawllaha milatariga ay ka qaybgalaan sedex sano.

 

xigasho:BBC-da

Bandhige@gmail.com