Mo Farax waxa lagu daray diiwaanka dadka Ingiriisku sharfay sannadka cusub

Mo Farax ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda Ingiriisku dadka ay sharaftay.

Mo Faarax oo ku guuleystay 10-ka kun ee mitir. Waa riyo u rumowday Mo Farax oo uu doonayay muddo, sida ay sheegayaan dadka ku dhow.

Mo Farax oo 33 sano jir ah, wuxuu helay laba billadood oo dahab ah oo isku xiga tartankii Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.

Wuxuu noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m.

In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax.

Orod yahankan ayaa asigoo sideed sanno jir ah galay dalka Ingiriiska, waxaana ka tagay Soomaaliya. Mar uu ka hadlayey arrintaasina waxa uu yidhi:

“Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimi ee halkan imaaday, kaas oo aan erey English ah aqoon, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo rumowday.”

bandhige@gmail.com