Mudaharaad lagaga soo horjeedo weriye ka tirsan Horn Cable TV oo uga soo warami jiray Gabiley kaas oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur Ibraahim oo ay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ka ka kaxaysteen Wajaale isaga iyo shan weriye oo kadibna afar ka mid ah weriyayaasha la soo daayey.
Dadweynahan ayaa waxay dalbanayeen in la xoriyadiisa loo soo celiye Weriye Mukhtaar Nuux.
Sidoo kale waxay dadweynahane ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin:
โMadaxweyne maad ka hadashid, Mukhtaar Nuux waa la haystaa.โ
Dadweynaha mudaharaadka samaynaayey ayaa waxay socdaal ku soo mareen laamiyada waaweyn ee Gabiley.
Halkan hoose ka daawo muqaaalka mudaharaadka: