Wasaaradda Warfaafinta oo bil gudaheed laba jeer sixitaan ku samaysay shir-jaraa’id oo uu wasiirku qabtay

Mudo bil guddeheed waa markii labbaad ee dib u sixid lagu sameeyo shir Jaraa’id oo uu qabtay Afhayeenka Xukuumadda Somaliland

Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ahna Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Mudane Saleebaan Yusuf Cali Koore ayaa laba shir jaraa’id oo uu ku qabtay bil guddeheed lagu sameeyay dib u sixitaan.

23kii bishii ina dhaaftay ee April waxa uu shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa isagoo ka war bixinayay xaalada xanuunka Covid-19 ee Somaliland iyo kiisaska kasoo kordhay. Wasiirku waxa uu sheegay in 19kiis oo cusub oo Covid-19 ah laga helay Somaliland, iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadku beenisay sheegtayna in tirada wakhtigaas laga helay yihiin 6 qof.Wasaaradda Warfaafinta oo dib u sixid ku samaysay warbixinta COVID-19 ee Wasiirka

11 May Wasiir Koore ayaa warbaahinta la hadlay isagoo ka warramayay Hantida dawlada ee Xukuumadda madaxweyne Biixi lasoo wareegtay intii ay xilka haysay.

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 14 bishii May, Wasaaradda Warfaafintu waxa ay dib u sixid ku samaysay hantida dawladu dib ulasoo noqotay ee Wasiirku warbaahinta u sheegay.

Qodobada sida gaarka ah loo saxay waxaa kamid ah dhulka laga dhisayo madaxtooyada cusub oo hore Wasiirku u sheegay in dad lagala wareegay iyo arrinta madaarka Berbera.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda oo uu ku seexanyahay Wasiirku halkan hoose ka eeg:


Bandhige@gmail.com