Murashax Cirro wuxu ka qeyb-galay wan-qal loo sameeyey Degmada Dacarta oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, wakhti ay dhammaatay xafladii loo sameeyey wanqasha Degmada 

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qeyb-galay wan-qal loo sameynaayey degmada Dacarta oo dhawaan uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo uu u magacaabay heer degmo, Guddoomiye Cirro waxa uu gaadhay Degmada Dacarta wakhti ay dhammaatay wakhtiigi loo talo galay xaflada caleemo-saarka degmadda.

Murashax Cirro oo ay wehelinaayeen xubno ka tirsan Xisbiga WADDANI, ayaa waxa halkaas ku soo dhaweeyey Suldaanka guud ee beelaha Tol-jecle Suldaan Axmed Daahir, Madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Mudanka kale ee ka soo jeeda beelahaasi, kuwaasi oo dhammaantood ba muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin imaanshiyaha Murashax Cirro ee degmada Dacarta.

Kadib markii xafladu dhammaatay ayaa waxay wefti xisbiga Waddani iyo Suldaan Axmed Daahir waxay la hadleen warbaahinta, ugu horeyna waxa halkaas ka hadlay Suldaan Axmed Daahir, ayaa Murashax Cirro ku soo dhaweeyey weji farxad badani ka muuqato isaga oo muujiyey sida ay ka deegaan ahaan ugu faraxsan yihiin booqashada iyo maamuusidda uu Murashax Cirro soo siiyey degmada Dacarta ee gobalka Maroodi-jeex.

Murashax Cirro oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in uu dadka deegaankaas ugu hambalyeynaayo degmada cusub ee loo magacaabay, iyada oo uu xusay in ay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin ka wax-ka-qabashada baahiyaha ka jira deegaankaasi iyo weli ba sida oo kale ka qeyb-qaadashada dhisidda adeegyada maamul ee degmadaasi.

Weftigan ayaa waxay soo gaadheen Degmadda Dacarta, markii ay idlaatay wakhtigii loogu talo galay.

bandhige@gmall.com