Murashax Cirro wuxu soo booqday Xarunta Arrimaha Xajka Dawladaha Carabta ee Dalka Sucuudiga

 

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal la xidhiidha gudashada waajibaadka Xajka ku joogay dalka Sucuudiga, ayaa maanta soo booqday Xarunta Arrimaha Xajka dawladaha Carabta ee magaceeda la yidhaahdoموؤسسة المطرفي حجاج الدول العربية.

Xaruntan oo ka mid ah wasaaradda arrimaha Xajka oo maamusha hagidda, xajisiinta iyo isku duba ridka xujaajta 17 dawladdood oo Carab ah oo ay Somaliland ku jirto, ayaa waxa Murashax Cirro booqashadiisan ku wehelinaayey xoghayaha xidhiidhka wadamada Carabta iyo dawladaha Islaamka ee Xisbiga WADDANI Ambassador Safiina.

Booqashadan uu Murashax Cirro ku tagay xarunta arrimaha Xajka ee dawladda Sucuudiga oo ahayd mid lagu soo marti-qaadey, ayaa waxa si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyey Madaxa Xujeyda dawladaha badda cas Dr.Abdirisaaq Xasanayn iyo weli ba Madaxa sare ee Bicsooyinka Xujaajta Carabta Muhandis Caadil Al-Jibaale, waxaana ay sharaxaad dhammeystiran ka siiyeen Xujaajta loo dejinaayo Muna iyo Carafa oo loo rari doono wakhti dhow Tarwiyadda iyo Nafrada oo ah qaababka u gaarka ah Xajka.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa si weyn Madaxdaasi uga ga Mahad-celiyey siddii fiicnayd ee ay u soo dhaweeyeen isla mar ahaantaana ay uga xog warameen qaabka ay u qaabilaan Xujaajta ka soo jeeda wadamada Carabta oo ay ugu horreeyaan Xujaajta Somaliland isaga oo si gaara uga codsaday in hawlaha loo fududeeyo Xujaajta Islaamka ah oo idil gaar ahaan kuwa reer Somaliland.

Muraxa Madaxweynaha WADDANI iyo Xujaajta kale ee tirada badan ee ku sugan magaalada Mekka, ayaa isla maanta u dareeri doona bilowga Xajka, waxaana uu isla maanta ba uu soo booqday saddex Hotel oo ay kala degan yihiin Xujaajta reer Somaliland kuwaasi oo uu ka soo xaal waraystay xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaana uu Alle uga baryey in uu ka aqbalo acmaasha Xajka.

bandhige@gmail.com