Murashax Waddani wuxu hadhimo sharafeed u sameeyey Wax-garad iyo Odeyaal ka soo jeeda Deegaanka Balli-cabane ee Gobalka Hawd

 

Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan M. Cabdillahai (Cirro), ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah hotel Ambassador ee Hargeysa ugu sameeyey siyaasiyiin, wax-garad, cuqaal iyo weli ba taageerayaal kale oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo ka soo jeeda beelaha Yaasif ee Sacad Muuse oo dega deegaanada Balli-cabane ee gobalka Hawd.

Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiye Cirro, ayaa waxa sida oo kale ku wehelinaayey xoghayaha guud ee Xisbigaasi, siyaasi Aadan Dhoola-yare, xildhibbaano, siyaasiyiin iyo xubno ka mid ah hoggaanada iyo guddiyada fulinta ee Xisbigaasi.

Qaar ka mid ah odeyadii iyo wax-garadkii ka soo jeeday beelaha Yaasif ee Sacad Muuse oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, iyaga oo si aada ugu dheeraaday taageerada ay u hayaan Xisbigan iyo weli ba sida oo kale dhaliilo xooggan iyo tabashooyin ay sheegeen in ay ka tabanayaan Xisbiga KULMIYE oo ay halkaas ku soo bandhigeen.

Murashax Cirro oo isna dhankiisa la hadlay siyaasiyiintaas iyo wax-garadkaasi, ayaa si weyn u sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu kulan la qaato isaga oo balan-qaadey in uu wax badan ka qaban doono baahiyahii ay halkaas ka soo jeediyeen marka uu Xisbigu ku guuleysto talada dalka Somaliland.

bandhige@gmail.com