Murashaxa Madaxweynaha Waddani wuxu gurigiisa wuxu hadhimo sharafeed u sameeyey Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Raโ€™yaale Kaahin

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta casuumad sharafeed aad u heer saraysa gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa ugu sameeyey Madaxweynahii hore ee Somaliland Daahir Raโ€™yaale Kaahin oo dhawaan dalka dib ugu soo socday, ka dib socdaal uu in muddo ah ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Hadhimo-sharafeeddan oo ay sida oo kale ka soo qeyb-galeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Waddani Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, wasiirkii hore ee qorsheynta xukuumaddii Daahir Raโ€™yaale Siyaasi Cali Sanyare, wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta xukuumaddii Daahir Raโ€™yaale Siyaasi Siciid Sulub Maxamed, wasiirkii hore Beeraha Aadan Dhooleyare, siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan hoggaanka Xisbiga Waddani, xildhibbaan Cabdiraxmaan Aw Xoog, xildhibbaan Xuseen Ismaaciil, Siyaasi Codyare, Pro. Qaasim Tubeec iyo weli ba masโ€™uuliyiin iyo haldoor kale oo aad u tira badan.

Kulankan hadhimo sharafeed ayaa intii uu socday ay labada dhinac ba isku weydaarsadeen arrimo badan oo khuseeya xaaladda guud ee Somaliland, waxaana Murashaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani iyo weli ba masโ€™uuliyiinta kaleba ay ku dheeraadeen sida oo kalena ay ku boggaadiyeen Daahir Raโ€™yaale Kaahin halkii uu soo gaadhsiiyey qaranka Somaliland iyo weliba sida oo kale siddii dimuqraadiyadda ahayd ee uu u wareejiyey xilkii Madaxtinimo ee Somaliland.

Wasiirkii hore ee wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Cali Sanyare oo markii hadhimo-sharafeeddaasi soo idlaatay la hadlaayey qaar ka mid ah Warbaahinta, ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyey ujeedka hadhimo sharafeeddaas iyo weli ba sida oo kale waxyaabahii laga ga wada-hadlay kulankii dhex-maray Madaxda Waddani iyo Madaxweynahii hore ee Somaliland, isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Maanta, waxa qado sharafeed sameeyey guddoomiyaha ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo u sameeyey Madaxweynaheenii hore ee Somaliland Daahir Ra’yaale Kaahin oo hada dalka jooga, waxaana casuumaddaas yimi kaadirka Xisbiga iyo saaxiibaddiisii hore ee Xisbigii UDUB iyo weli ba dad badan oo kale oo ah haldoorkii dalka, si wanaagsan bay casuumaddaasi u dhacday oo aad iyo aadna waanu ugu hambalyeynay Madaxweyne Ra’yaale siddii fiicneyd ee uu xilka u dhiibey, wadanka na halkii uu soo gaadhsiiyey baa iyana aad iyo aad looggu boggaadiyey, waxaana runtii ay ahayd qado sharafeed dad is yaqaanaa ay is casuumeen oo aad iyo aad na si farxadle oo fiican ayey u dhammaatay.”

Siyaasi Cali Sanyare oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu Madaxweyne Daahir Raโ€™yaale uu ku boggaadiyey taariikhda uu kaga tagay Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Qoladayadii berigii hore ahayd UDUB na ee imika na ka tirsan Waddani, waxa aanu anagu na casuumad gaara aanu u sameynaynaa Madaxweyne Daahir Ra’yaale Kaahin, waa Madaxweyne mudan in la sharfo, waa Madaxweyne mudan in la qadariyo, waa Madaxweyne runtii intii uu xilka hayey aad iyo aad uu dalku hore ugu maray, dalku na uu aad iyo aad ugu badhaadhay, markaa anaga oo sidaas u qadarineyna ayaanu anagu na isha Allah casuumad weyn baanu u sameyn doonaa.”.

bandhige@gmail.com