Muunidii iyo marinkii cishqiga (WQ: Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax)

 

Sheeko Mala-awaal ah:

Sagal muunidii ayey seled la soo kalahday, waa aroortii ugu horaysay ee ay reerka u soo adeegto, oo waxaa hawshaa qaban jirtay hooyadeed Siraad, balse islaantii way yara jiranayd waagan beryey. Sagal quruxdeeda indhihii arka baa ayaan leh, ku darso oo haday indhoole ag marto siduu arkayuu u eegaa, xataa ciida & dhagaxa ayaa dhaayo furta. Saalax ayaa isna subaxdaas soo kalahay malaha cugashada cishqiga ayuu u soo kalahay waayo weligii Saalax ma soo toosin xili ka horeeya abaara barqada. Saalax waa nin jaajuur ah balse aftahanimo meel dhigtay, waraabahana ka fool xun, caruurta maalintii sii aragtaa habeenkii ayey ku sastaa! Waa nin aad u madaw camal daawe gubtay oo baaliyi leedahay ayuu u eeg yahay!

Limiqsigii horeba Sagal way ku ashqaraartay saalax waxayna uurka ka lahayd waa maxay waxan oo qurux ah oo ilaahay wiilkan hibo uga dhigay! Ku dar oo carafta ka soo burqanaysa dhankiisa waxaad ba moodaa miskigii la sheegi jiray! Saalax yaab, amankaag ka dib wuxuu afka toos ugaga tiraabay waa maxay gabadhani malaa maaha hablihii aduunkee waa xuuralcayntii diintu sheegtay! Jaah wacnaanta, xubno jalaqsanaanta jiro jacayl baa I qub tiri! Ku yeedh mulkigii quruxday marwadaan dharaaro sugaayey, mudantii haweenkay. Muuni mudan tii la arkay bariido gudoon!

Sagal codkay maqashayba waxba jibaaxay, jiidhkeedaa saaqmay, dhiigaa wax dhex xulayeen, sidii inay xalay cuntay Midi-midigii Saylac u socday! Ku yeedhay mudane muuni wacan! Shaaw waan xeraysnaaye xilahaygii baa suuqa joogay! Socodkii la wada jooji sheeko & shukaansi hor leh Saalax ku bilow, cajebe waxba kama diidin Sagal soo dhowayn ka dib balan ayaa xigay!

Saalax si aad u hubsiisan ayuu Sagal uga qortay tirsin-kooreedkeeda si uu ugala soo xidhiidho, Sagal balse iyadu wax koor ah kama qoran Saalax waxayna filaysaa inuu soo Waco goor dhowba.

Sheekooyin macaan badan ayuu asxaabtiisa la wadaagay Saalax maalintaas, goor danbe ayuu fariin qaniinsiiyey tirsiin kooreedkii Sagal uu ka dhigtay! Tolow waa fariin noocma ah?

Ku bilow heestan!

Wacantaan nabdaynteed

Walbahaar ka qaaday

Adaan kugu welwelayaa

Wadnahayga inan yahay

Adigaa ku weynoo

Sida webi rogmanayaad

Waaxyahayga raacdee

Adiguna warkaagiyo

Waxa aad ku sugan tahay

Waa inaad I siisaa

Heestaasi waa saaqday Sagal iska daa inay warcelin dirtee waaba neefsan kari wayday!

Inkasoo aanay ku dhawaaqin haddana waxaa qalbigeeda jibaaxaayey wax u eeg tixdan kooban:

Muunidaan ku dheehdaa

Qalbigaygu maansiyee

Mahadhooyin keenoo

Wiilyahaw ma nabad qabo!

 

La soco

 

 

Bare Sare Maxamed Cumar Dhagax