Murashaxa Madaxweynaha Waddani wuxu ka qayb-galay xaflad loo sameeyey arday wax ka barata dugsiga Agoomaha ee Kuweytiga

 

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad loo sameynaayey sannad dugsiyeedka ardeyda wax ka barata xarunta Agoomaha ee Kuweytiga oo ku taala bariga magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo sida oo kale na looggu dabbaal-deggaayey wax soo saarka ay sameeyeen ardeydaasi gaar ahaan dhinacyada beeraha, qalabka lagu qurxiyo guryaha, sariiraha, kuraas iyo weli ba sida oo kale arrimo badan oo kale, ayaa waxa sida oo kale ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Waddani, wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo weli ba mas’uuliyiin aad u tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha oo ugu dambeyntii kulankaas soo gunaanaday, ayaa waxa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeyb-galo xafladdaasi isaga oo carabka ku dhuftay sida oo kale na ka sheekeeyey barnaamijyada kheyriga ah ee dawladda Kuweyd ay ka wado gudaha Somaliland, isagoo arrintaasina ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Ugu horeyn waxa aan u mahadcelinayaa hay’adda kheyriga ah ee reer Kuweyt iyo hay’adda khayrka ka shaqeysa ee geeska Afrika, oo maanta midhahii ay soo saareen aynu halkan ugu debaal degayno, gaar ahaan dhallinyaradii wax ka baratay Iskuulkan maanta aynu joogno, waxa aan is lee yahay dhismahani waa dhismaha Hargeysa ugu weyn oo ama Somaliland ha dhisto ama cid kale ha dhisto e’ , waxa kale oo iyana aynu ka warqabnaa in dawladda Kuweyd ay mashaariic kale oo fara badan ay Waddanika gelisay oo ay ka mid yihiin Madaarka Hargeysa iyo weli ba Madaarka Berbera. Waxa kale oo ay ka qeyb-qaataan mashaariic kale oo horumarineed iyo kuwo gargaar ah ba, markaa waxa aynu u mahadnaqeynaa walaalkeen Ibraahim iyo Cabdicasiis  oo halkan innoo fadhiya kana wakiil ah labada hay’addood ba.”

Guddoomiyaha Waddani oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in ardeyda iskuulkaas wax ka barata ee sameysatay kuraasta uu ka iibsanaayo 200 oo kursi, waxaana uu sheegay in uu uga gollee yahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa dhallinyartaasi, waxaana uu yidhi:

“Waxaa aanu runtii ku faraxsan nahay midhahii uu soo saaray Iskuulku. Caruurta da’doodu kala duwan tahay ee halkan ku dhalatay iyo waxyaabahii ay soo saareen ee farsamada gacantu ka mid ahayd waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa si loo dhiiri-geliyo dhallinyaradaas wax soo saartay, gaar ahaan kuwa qalabka Kuraasta soo saaray in aan ka iibsado 200 oo kursi.”

Ugu dambeyntiina Dr. Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu si aada u amaanay amiirka sugaya dhaxalka Kuweyd ee degan gudaha Somaliland isaga oo ku amaanay in uu yahay shakhsiga keliya ee reer Carbeed oodhan ka aaminay kuna nool gudaha Somaliland, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxa aan halkan uga mahad-naqayaa waalidiinta caruurta dhashay ee halkan ka soo qeyb-gashay, dhammaan wasiirada, madaxda dhaqanka, culimada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo weli ba hablaheena qaaliga ah ee ay ka mid yihiin Aamin iyo Edna iyo dhammaan hablaha kale inta ba, waxa aan mar kale idin lee yahay aad baad u mahadsan tihiin, shacbiga reer Kuweyd, Amiirka reer Kuweyd iyo ninka dhaxalka sugaaya oo aan is lee yahay waa ninka qudha ee Carbeed ee aaminay Somaliland ee halkan ina la degan dalkeena, waxa aanu idiin sheegaynaa in shacabka reer Somaliland uu abaal badan idiin hayo, Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idiin ku bedelo wixii aad sameyseen ee wanaagsanaa.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=vUc_7lasKn8&feature=youtu.be

bandhige@gmail.com