Musharax Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye wuxu ku soo afmeeray olalaha Degmada Salaxley

 

Taageerayaasha xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa isu soo baxyadooda maalinta toddobaad ee ololaha xisbiga ku marti-qaaday guddoomiyaha xisbiga, hana murrashaxa madaxweyne Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno wefti ah oo uu hoggaaminayo.

Taageerayaashan oo kumanaan iyo kumanaan kor u dhaafiyey oo ay hormood u yihiin salaadiinta, waxgaradka, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo haldoorka degmadu, isla markaana ku lebbisan astaamaha caanka uu ku yahay xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay murrashaxa xisbiga iyo xubno uu hoggaaminayo, waxana ay muujiyeen inuu xisbigaasi yahay ka hantay quluubta bulshada deegaankaas ku dhaqan.

Madaxda degmada Sallaxley ee xukuumadda iyo xisbiga oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey guddoomiyaha iyo xisbigiisa, waxana ay sheegeen inay degmada Sallaxley safka hore kaga jirto deegaannada uu xisbiga KULMIYE cududda ballaadhan ku leeyahay.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isaguna shaaca ka qaaday inay deegaan ahaan ka siman yihiin taageerada KULMIYE, isla markaana ay bulshada degmada Sallaxley ka go;an tahay inay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa.

Suldaan Aadan Suldaan Faarax oo kamid ah salaadiinta ugu maamuuska sarraysa madax-dhaqameedka degmada Sallaxley iyo deegaannada kale ee koonfurta Hargeysa oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in bulshada halkaas ku dhaqani ku abtirsadaan xisbiga KULMIYE, isla markaana ay si buuxda codkooda ula garabgeli doonaan murrashaxiinta KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna mahadnaq ballaadhan u jeediyey bulshada ku dhaqan degmada Sallaxley, waxana uu sheegay inay xisbi ahaan si dhaw ugu xisaabtamayaan codka bulshada degmadan ku dhaqan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com