Hoggaamiyayaasha bulshada Muslimiinta Maraykanka, ayaa dhaliilay musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.
Muslimiinta, ayaa dhaliilay Trump kadib markii labo Muslimiin oo mid ka mid ah oo Iamaane ahaa toogasho lagu dilay xilli ay masjidka ka yimaadaan, kuna jeedeen gurigooda magaalada New York.
Booliska, ayaa sheegay in aysan weli ogaan waxa keenay dilka, mana jirto sabab lagu aamini karo in raga loo weeraray diin.
Madaxweynaha golaha xidhiidhka Islaamka ee New York, Zead Ramadan, ayaa sheegay in hadalada ololaha Trump ay hurinayeen naceyb loo qabo Muslimiinta.
In ka badan boqol ruux, ayaa ka qeybgalay dibadbax ka dhacay meel u dhow halka ay toogashada ka dhacday, iyadoo in badan ay weerarka ku sheegeen mid naceyb ah, waxayna ku eedeeyeen Donald Trump inuu hurinayo naceybka Islaamka.