Mustafe Khayre iyo Guuleed Hagoog ayaa buug hoggaaminta ka hadlaya ku soo bandhigay Naadiga Akhristeyaasha Timacadde

 

Mustafe Maxamed Khayre, Guuleed Saleebaan Hagoog iyo Maxamed Aadan (Iidoor) ayaa xalay madal la isku arkay oo ay qabanqaabiyeen Naadiga Akhristeyaasha Timacadde ee Gabiley ku soo bandhigay nuxurka buugaag ay soo akhriyeen oo ka hadlaysa hoggaaminta horseedda horumarka waxayna kala ahaayeen Good to Great iyo Transformational Leadership.

Marti-sharaf ka kala timid Gabiley, Boorama, Wajaale, Arabsiyo iyo Hargeysa ayaa madasha ka qaybgalay. Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay maayarka Gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi, Xildhibaan Cabdi Xabiib, maamulka Jaamacadda Timacadde iyo marti-sharaf kale

Waxa madasha lagu falanqeeyey la iskuna weydaarsaday fikrado la xidhiidha muhiimadda ay leedahay hoggaaminta wanaagsan, dhaqanka looga baahan yahay qofkii  raba in uu noqdo hoggaamiye wanaagsan iyo sida ugu habboon ee ay tahay in loo maamulo xafiisyada iyo shariikadaha.

Guddoomiyaha Naadiga Akhristeyaasha ee Timacadde Muxyaddiin Ciise Xuseen ayaa ugu horrayn madasha ka hadlay wuxuuna sheegay in uu aad u soo dhawaynayo bandhigga buugga Good to Great, naadi ahaana uu hadafkooda tahay in buugaagta ay soo akhriyeen dadweynuhu lagu soo bandhigo madasha akhriska iyo qoraalka ee Timacadde iyadoo ujeeddaduna tahay in aqoonta iyo waayo-aragnimadu ay noqoto mid la wadaago oo bulshada ku dhex fidda. Kadibna wuxu mikfifoonka ku wareejiyey Axmedyaasiin Muxumed Cadde oo madasha xidhiidhinayey.

Guuleed Saleebaan Hagoog ayaa sheegay in hoggaamiyaha dhabta ahi uu yahay ka horseedi kara isbeddel isla markaana u dhabar adaygi kara duruufaha iyo caqabadaha ka hor imanaya inta uu ku jiro hirgelinta isbeddelkaas. Sidoo kale Guuleed wuxu sheegay in qofka hoggaamiyaha ah ee raba in uu isbeddel dhaliyo marka hore loo baahan yahay in uu isbeddelkaas isaga laftiisu aaminsan yahay, xataa haddii aanu ahayn qofkii hadafkaas dejiyey.

Mustafe Khayre ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyey farriimaha uu xambaarsan yahay buugga buugga Good to Great oo ku salaysan daraasad socotay 5 sanno kaas oo tibaaxaya in aanu hoggaamiyaha dhabta ahi ahayn ka kirbirka, qabka iyo faanka badan laakiin uu yahay ka ku mashquulsan sidii uu natiijo u soo saari lahaa, si xishmad iyo caddaalad lehna kula dhaqma dadka uu hoggaaminayo, isla markaana aan lagu qiimayn waxa uu qabto inta uu xilka hayo laakiin sidoo kale lagu qiimeeyo dalkii, shirkaddii ama xafiiskii uu hoggaamiyaha ka ahaa in uu dabadii sii waari karo. Mustafe wuxu sheegay in hoggaamiyaha aan wanaagsanayn lagu garto in meeshii uu hoggaaminayey marka uu ka tago ay dabadii baaba’do ama hoos u dhacdo taas oo muujinaysa in hoggaamiyehaasi aanu nidaam maamul ka tagin.

Mustafe Khayre wuxu hoggaaminta wanaagsan ku soo koobay in ay aasaas u tahay adkaynta iyo toosinta nidaamku. Wuxuuna sheegay in shariikad kasta iyo xafiis kasta looga baahan yahay saddex arrimood in laga helo kuwaas oo ah “Dad nidaamsan, fikrado nidaamsan iyo ficillo nidaamsan.”

Maxamed Aadan (Iidoor) ayaa isaguna dhallinyarada la wadaagay khibraddiisa in muddo ah oo uu hoggaaminayey shariikado kala duwan. Wuxuuna sheegay in qofka shaqaalaha ah loo baahan yahay in uu noqdo la-hoggaamiye wanaagsan si uu mustaqbalka u noqdo hoggaamiye wanaagsan. Qof aan madaxdiisa si wanaagsan ula shaqayn oo aan oggolaan in la hoggaamiyo suurtogal maaha in uu hadhow noqdo hoggaamiye wanaagsan ayuu yidhi Maxamed. Wuxuu dhallinyarada jaamacadaha ka qallinjabinaysa kula taliyey in ay u diyaar-garoobaan in la rarto, oo ay lacag la’aan ku shaqeeyaan, isla markaana shaqo adag oo aan dhaqaale ka soo galayn u diyaar garoobaan, sidaas ayay mustaqbalka ku noqon karaan hoggaamiyeyaal.

Maayarka degmada Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar Cabdi oo madasha hadal ka jeediyey ayaa dhallinyarada ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhiirigelinta akhriska oo sida Mustafe, Guuleed iyo Maxamed ay dhallinyarada  iyo dadweynahaba ula soo wadaagaan wixii ay buugaag akhriyeen. Wuxuu maayarku dhallinyarada uga caqli celiyey tahriibka isaga oo sheegay in ay dalka gudihiisa aqoon ku baran karaan waxna ku noqon karaan. Ugu dambayn wuxu maayarku sheegay in dhiirigelinta qoraalka iyo akhrisku ay mudnaan u yihiin sidaas daraadeedna ay diyaar u yihiin in ay barbar joogsadaan Naadiga Akhristeyaasha Timacadde iyo wixii dedaal ah ee akhriska iyo qoraalka la xidhiidha.