Muwaadin wax ka sheegay xisbiga Waddani iyo hoggaamiyihiisa ayaa weerar loo gaystay

 

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabeen Guddoomiyihii Wargeyska iyo Shabakadda Somalilandtoday Muniir Axmed Cigaal oo kana tirsan xisbiga mucaaridka ee Waddani.

Xadhiga wariye Muniir ayaa sida aanu warkan ku helnay ka dambeeyay weerar lagu qaaday Jaamac Jiir gelinkii hore ee maanta, kaasi oo ay fuliyeen koox taabacsan Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu Xirsi Xaaji Cali, kuwaasi oo dhibsaday qoraal iyo war-saxaafadeed Jaamac Jiir ku cambaareeyey Waddani iyo Xirsi Xaaji Cali Xasan.

Jaamac Cilmi Jiir oo caan ku ah qoraallada iyo soo bandhigidda aragtidiisa dhinaca siyaasadda, ayaa waxa dhaawacyo culus oo heer jabniin ah soo gaadhsiiyey gacan-yareyaal saaxiib dhaw la ah hoggaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan. Balse majiro war rasmi ah oo ciidanka booliska kasoo baxay oo la xidhiidha xadhiga Wariyahan.

Kadib weerarkii lagu qaaday Jaamac Jiir ayaa waxa uu sheegayh in soo weerareen Muniir Axmed Cigaal iyo niman kale oo la socday.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

https://www.youtube.com/watch?v=K4SV3V8PUM8&feature=youtu.be

bandhige@gmail.com