Nayjeeriya: 82 ka mid ah gabdhihii Chibok ayaa la soo daayay

 

Sideetan iyo laba ka mid ah gabdhihii Dugsiga dhiganeyey ee laga afduubay magaalada Chibok sannadkii 2014-kii ayaa waxa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku haya milateriga Nayjeeriya, sida ay BBC u sheegeen ila wareedyo.

Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dawladda Nayjeeriya iyo ururka Boko Xaraam.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaadhi looga soo qaaday deegaan go’doon ah, kadibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nayjeeriya la leedahay Cameroon.

Waa markii labaad oo ay dawladda Nayjeeriya ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.

Bishii Oktoobar ee sannadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer kadib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.

Qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok ayaa ku farxi doona warka soo daynta gabdhaha, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.

Inkastoo ay arrinta gabdhaha Chibok soo jiidatay indhaha caalamka, aya haddana waxa jira kumannaan qof oo ay Boko Xaraam afduubatay sideedii sanno ee ay dagaalka wadeen.

bandhige@gmail.com