Nayjeeriya waxay shacabkeeda uga digtay in ay u safraan Maraykanka

 

Dawladda Nayjeeriya ayaa muwaadiniinteeda u sheegtay in aysan u safrin dalka Maraykanka kadib markii dadkeeda oo sitay dal ku gal sax ah la xidhay.

Waxa la sheegay in dadkaasi lagu xidhay garoomada xilli ay galayeen dalkaasi Maraykanka.

Warbixin ka soo baxday xafiiska la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha dibedda Abike Dabiri-Erewa, ayaa lagu sheegay digniintani, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxay tidhi:

“Isbuucyadii la soo dhaafay, waxaa xafiiska la soo gaarsiiyay kiisas ah in dad Nayjeeriya ah oo dal ku gal sax ah haysta loo diiday in ay galaan Mareykanka, dibna loogu soo celiyay dalkooda.”

Iyadoo hadalkeeda sii watana waxay tidhi:

“Dadkaasi oo dhan waxaa la soo saaray diyaaradihii ugu dhowaa ee Nayjeeriya u soo socday, waana lagala noqday dal ku galka ama visa-ha.”

Dabiri-Erewa waxay sheegtay in:

“Aan la bixinin sababta maamulka socdaalka Mareeykanka ay ugu diideen muwaadiniinteeda inay dalkaasi galaan.”

Waxay ku boorisay in dadweynaha Nayjeeriya, waxaanu tidhi:

“Dadka aanan u socon waxyaabo muhiim ah ay ka fikiraan inay baajiyaan safaradooda ama dib u dhigaan illaa ay kala cadaaneyso sababta dadka loo soo celiyay.”

bandhige@gmail.com