Nigeria waxay bilowday barnaamij lacag lagu siinayo dadka saboolka ah

 

Dawladda Nigeria ayaa bilawday barnaamij cusub oo bil walba lacag lagu siinayo hal milyan oo qof oo ah dadka ugu saboolsan waddanka.

Wareega koowaad oo qof walba la siinayo lix iyo toban dollar bishii, ayaa ka bilawday sagaal ka mid ah siddeed iyo lixda gobol ee Nigeria.

Intaan la dooran 2015-kii madaxweyne Muhammadu Buhari ayuu balanqaaday in uu wax ka qabto saboolnimada iyo musuqmaasuqa.

Waxaa jira walaac laga qabo barnaamijkan sida uu u shaqaynayo, iyadoo aysan jirin tirikoob dhawaan la sameeyay iyadoo ay ahayd ilaa boqol iyo toddobaatan milyan oo qof tirada dadka.

bandhige@gmail.com