Nin baan iska dhigay si aan shaqo u helo, eedeyn kufsi baase i fashilisay

 

Iskuulka ma aadi jirin, sidaas darteed camal aan ahayn in aan shaqeysto ma garanyn”, ayay tidhi Pili.

“Haweenka looma oggolo in ay goobaha macdanta ka shaqeeyaan. Marka si geesinimo leh ayaan u galay anigoo iska dhigayo in aan ahay nin. Saraawiil dhaadheer ayaan xidhan jiray”, ayay tidhi.

Si ay u dhameystirto isbedelka ay sameysay, waxay sidoo kale badeshay magaceeda.

“Waxaa la iigu yeeri jiray Adeer Xuseen. Qofna lama wadaagin in magacayga dhabta ah uu yahay Pili. Xitaa manta dadka wali waxay iigu yeeraan Adeer Xuseen.”

Pili waxay godadka macdanta ka sahqeyn jirtay muddo 10-12 saacdood maalin kasta.

“Mararka qaar waxaan gali jiray dhul hoostiisa ilaa iyo 600 oo mitir anigoo raadinayo macdan. Waxaan qodistan u sameyn jiray si ka firfircoon ragga qaar.”

Pili waxay sheegtay inuusan jirin qof waligii tuhmay in dhab ahaantii ay ahayd qof dumar ah.

Muddo sannad ah kadib si weyn ayay macdan qodista uga macaashtay kadib markii ay heshay laba dhagax oo waaweyn oo ah macdanta nooca loo yaqaanno tanzanites. Lacagtii ay ka heshay waxay uga dhistay guri aabaheed, hooyadeed iyo gabar ay mataano ahaayeen.

Waxay sidoo kale lacagtaasi ku iibsatay qalab, waxayna billowday in ay shaqaaleysiiso macdan qodayaal.

Waxaa soo martay xaalad aan caadi ahayn oo horseeday in la ogaado in Pili ay tahay qof haween ah oo aysan nin ahayn.

Haweenay ayaa booliska u gudbisay dacwad ah in qaar ka mid ah ragga ka shaqeeya goobaha macdanta ay kufsadeen. Pili oo lagu tuhmay in ay ku lug lahayd kufsigaasi ayaa la soo qabtay. Iyadoo arrintaasi ka waramaysana waxay tidhi:

“Boolisku markii uu yimid ayaa raggii gabadha kufsaday waxay isku raaceen in aan ahay ninka gabadha kufsaday’. Dabadeedna waxaa la ii sii qaaday xarunta booliska.”

Waxay ku khasbanayd in ay sirteeda daaha ka rogto si ay uga bari noqoto eedyamaha loo soo jeediyay.

Waxay booliska weydiisatay in ay keenan haweenay baadhitaan dhinaca jirka ah ku sameyso si loo xaqiijiyo in ay dhab ahaantii iyadu waxba kufsan karin. Wax yar kadib waa la sii daayay. Balse raggii kala shaqeynayay goobta macdan qodista ayaa aamini waayay arrintani. Sidoo kale iyadoo arrintaasi ka waramaysana waxay tidhi:

“Dhab ahaantii kama aysan rumeysanin booliska in aan ahay qof dumar ah. Ma aha arrin fudud in ay aqbalaan ilaa iyo sannaddii 2001 markaasi oo aan guursaday oon yagleelay qoys.”

Pili waxay sameysatay xirfad guuleysatay, maantana waxay leedahay shirkad u gaar ah oo macdanta ka shaqeyso oo 70 shaqaale ah ay ka howlgalaan.

Saddex ka mid ah shaqaaleheeda waa dumar, laakiin waa cunto kariyayaal, mana ka shaqeeyaan macdan qodidda.

Pili waxay sheegeysaa in inkastoo dumar badan ay ka shaqeeyaan arrimaha macdanta marka loo eego xilligii ay iyada ku biirtay, in hadana ay aad u yar yihiin kuwa macdan qodayaasha ah. Iyadoo arrintaasi ka waramaysana waxay tidhi:

“Qaar dumarka ah waxay dhaqaan dhagxaanta, qaar waa dillaaliin, kuwana waa cunto kariyayaal.”

Waxay intaas ku dartay:

“Laakiin dumarka ma aadaan godadka macdanta, Ma fududa in dumarka ay sameeyaan wixii aniga aan sameeyay.”

Guusha Pili waxay u suuragelisay in ay waxbarasho ka bixiso in ka badan 30 carruur oo ay waalid u tahay. Laakiin waxay tilmaantay in gabadheeda aysan ku dhiiragelineyn in ay raacdo raadkeedii, iyadoo arrintaasi ka hadlaysana waxay tidhi:

“Waan ku fraxsanahay wixii aan sameeyay, taajir ayaan ku noqday, balse way igu adkeyd aniga.”

Waxay hadalkeeda ku soo gabagabaysay:

“Waxaan doonayaa inaan xaqiijiyo in gabadheyda ay waxbarato, ay cilmi yeelato, ayna nolosheeda u maareyso si ka duwan oo aad uga fog wixii aniga aan u soo joogay.”

bandhige@gmail.com