Nin hubaysan ayaa waxa uu weeraray guriga Madaxwayne-ku-xigeenka Kiiniya

 

Booliiska dalka Kiiniya ayaa waxa ay sheegeen in ay toogteen nin weeraray oo xoog ku galay guriga Madaxwayna-ku-xigeenka Kiiniya William Ruto .

Booliiska ayaa soo afjaray howlgalka oo socday muddo dhowr saacadood ah.

Mr Ruto iyo qoyskiisa ayaa ka maqnaa guriga markii uu dhacayay weerarka oo ka dhacay meel u dhaw magaalada Eldoret.

Ninkani ayaa guriga galay kadib markii uu Baangad ku dhaawacay askari booliis ah oo ilaalo ka ahaa, waxa uuna ka qaatay qurigii uu sitay, sida ay sheegeen booliiska.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay maalmo ka hadhsan yihiin doorashada guud ee Kiiniya.

Taliyaha guud ee booliiska Kiiniya Joseph Boinnet ayaa saxafadda guddaha u sheegay in xaaladda imika ay daggan tahay. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Toogasho ayaa lagu dilay qorigiina dib ayaa gacanta loogu soo dhigay, ma jirto wax khatar ah imika sababtoo ah hal qof oo kali ah ayuu ahaa.”

Ma jirto wax faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyay weerarkan.

Warar hordhaca ah ee soo baxayay ayaa sheegayay in tiro rag hubaysan ah ay galeen guriga Mr Ruto, hase yeeshee booliiska ayaa markii danbe cadeeyay in weerarka uu gaystay hal nin oo kali ah.

bandhige@gmail.com