Nin Soomaali ah ayaa askar ku weerarray Brussels

 

Nin Soomaali ah ayaa la toogtay ka dib markii uu xalay faash ku weerarray askar u dhalatay dalka Belgium, kuwaas oo ku sugnaa caasimadda Brussels. Dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa weerarkan ku tilmaamay mid argagixiso.

Ninka weerarka fuliyay oo da’diisa lagu sheegay 30 jir ayaa markii dambe ku dhintay cisbitaal lagu daweynayay. Mid ka mid ah askarta uu bartilmaameedsaday ayaa gacanta uu dhaawac kasoo gaadhay.

Booliska iyo milateriga Belgium ayaa xidhay goobta uu weerarka ka dhacay, oo lagu magacaabo Boulevard Emile Jacqmain, kuna taalla badhtamaha caasimadda Brussels.

Xafiiska dacwad oogaha federaalka Belgium ayaa sheegay in ninka weerarka fuliyay aan lagu aqoon “taageeridda argagixisada,” uuna ku dhawaaqayay Allahu Akbar markii uu weerarka fulinayay.

Milateriga dalkaasi ayaa ka qeyb qaadanaya sugidda ammaanka Belgium, gaar ahaan caasimadda Brussels tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii halkaa ka dhacay bishii Maaraj 2016, kaasoo ay ku dhinteen 32 qof.

Caasimadaha Yurub ayaa heegan ku jira, iyadoo laga casbi qabo in ay xilli kasta ay ka dhici karaan weerarro argagixiso.

bandhige@gmail.com