83 Arday ayaa ka qalinjabisay Mac-hadka Muslim College

 

Mac-hadka Muslim College oo la asaasay sannadkii 2015-kii ayaa waxa maanta ka qalinjabiyey dufcaddii koowaad, ardaydan ayaa waxay barteen mihnadaha caafimaadka ee kala ah kalkaalisanimo (Nursing), Nafaqada (Nutrition) iyo Dawoyaqaaan (Pharmacist).

Xaflada qalin-jebinta oo ka dhacday Green Plaza ayay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka tirsan xukuuumada iyo hoggaanka sarre ee xisbiga Kulmiye oo uu horkacayo Guddoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Ugu horeyn waxa xafladan ka hadlay Guddoomiye Mac-hadka Muslim College Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan oo ku dheeraaday muhiimada uu mac-hadku u leeyahay waddanka Somaliland, muddadii la aasaasay iyo sida ay u aasaaseen mac-hadka koox dhallinyaro aqoonyahan ahi, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œMac-hadka Muslim College waxaanu aasaasaynay muddo laba sanno laga joogo, taasi oo muddadaasi aanu aasaasnay aanu aragnay baahida loo qabo in la kobciyo aqoonta dhallinyarada Somaliland.โ€

Iyadoo madashada ay kasoo qayb galeen masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid yihiin Agaasimayaasha SONYO iyo Somaliland Y-PEER ayaa waxa sidoo kale madasha ka soo qayb galay Guddoomiye-ku-xigeenka jaamacada Siciid Muxumed Jibriil ayaa waxa uu sheegay fursadaha dhallinyarada Somaliland ay jaamacadda Hargeysi u fidiso iyo sidoo kale in ay ka qayb qaateen horumarka waddanka.

Dhanka waxa xafladan ka hadlay Guddoomiye ururka Dhakhaatiirta Somaliland Dr. Cabdirisaaq Yuusuf iyo Guddoomiye Shaybaadhada Somaliland Dr. Maxamed Yusuf ayaa waxay labadooduba ku dheeraadeen muhiimada ay bahda caafimaadku u leeyihiin bulshada horumarkeeda.

Sidoo kale waxa xaflada ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha Maxamed Muuse Diiriye oo ku dheeraaday muhiimada uu amnigu u leeyahay waxbarashada, cibaadada iyo ganacsigaba.

Sidoo kale waxay madashan oo ku kulmisay masuuliyiin badan ka hadlay Wasiiru-dawladaha Cadaalada Khadar Axmed Diiriye ayaa waxa uu ku dheeraaday qaabka ay shaqaalaha caafimaadku u dhaqmaan iyo dabacsanaanta iyo naxariista looga baahan yahay shaqaalaha caafimaadka.

Ugu dambayntii waxa xaflada soo afmeeray Guddoomiye xisbiga Kulmiye ahna musharaxa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda ay bulshada u leeyihiin guud ahaan waxbarashada iyo gaar ahaan mihnadda caafimaadku, isla markaana ay xisbi ahaanย ka goโ€™an tahay inay muhiimad gaar ah siiyaan labadan arrimood oo horumarka bulshada muhiim u ah.

Murrashax Muuse Biixi ayaa sheegay in ay xisbi ahaan ka goโ€™antahay in ay xil gaar ah iska saaraan caafimaadka iyo waxbarashada, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

โ€œAnnaga waxa nagu waajib ah in wax walba loo huro caafimaadka iyo waxbarashada, waayo waxbarashadu waa mustaqbalkii, caafimaadkuna waa dadkii oo jira.โ€

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ka digay in mihnadda caafimaadka iyo weliba waxbarashada laga dhigo ganacsi lacag laga dheefo, maadaama ay labadan mawduuc bulshada muhiim u yihiin, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

โ€œWaxa loo baahan yahay inaynu xoogga saarno tayeynta caafimaadka inta aynu imika hayno oo aanay caafimaadka iyo waxbarashadu inaga noqonin ganacsi, labadaas halbawle oo mustaqbalkii dalka ahna waxad mooddaa inuu ku batay ganacsigu iyo Iidhehdu.โ€

Murrashax Muuse Biixi waxa uu hogo-tusaaleeyey burburka ku socda mihnadda caafimaadka iyo sida dad badani uga dhigteen il ay dhaqaale ku helaan, isaga oo xusay in shakhsiyaad aan aqoon u lahayn mihnaddani ay meherado u furteen, waxana uu yidhi:

โ€œHaddaad dhegaysataan warbaahinta waxa la xayeysiiyaa 80%(Boqolkiiba siddeetan) waa Iidheh caafimaad, qaar baana odhanaya dhakhtarkaasi waxa uu kaa daaweynayaa wax Allah iyo waxa cudur ah oo dhan, xataa daโ€™duu yareynayaa bay qaar yidhaahdaan, qaar aan iskuulba gelin oo weligood caafimaad arag oo aan waxba qori Karin, ayaa Dukaan furanaya oo odhanaya waanu kugu daweynaynaa.โ€

bandhige@gmail.com