Saraakiil ka mida Maamulka Shirkada Dp World waxay kulan la qaateen hoggaanka Sare ee Ciidanka Dab-demiska

 

Saraakiil ka mida Maamulka Shirkada Dp World oo kulan la qaatay Hogaanka sare ee Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL, waxaana waftigaasi ay ka koobnaayeen Madaxa Badbaadada ee Shirkada Dp World ee Bariga Dhexe Mr. Elsie iyo Maxamed Rashiid Ismaaciil oo Shirkada u qaabilsan Horumarinta Ganacsiga Bariga dhexe iyo Afrika iyo sidoo kale Khadar Cali Gaas La taliyaha Madaxweynaha Ee Dhanka Saxaafada.

Ugu horayna  waxaa halkaa ku soo dhaweeyay waftiga Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Ku Xigeenka Taliyaha,Agaasimaha Fulinta iyo Suldaan Axmed Daahir oo ka mida Guddida Aasaastay Ciidanka Dab-demiska.

Labada dhinac ayaa kulan is xogwaraysi ah kadib waxaa Taliyaha ciidanku warbixino ka siiyay wafiga heerka uu soo maray ciidanka dabdemisku iyo halka uu maanta uu marayo, waxyaabaha u qabsoomay iyo halka uu maanta uu marayo iyadoo waqti kooban lagu qabtay waxbadan wax kaloo badana ay hadhsanyihiin,sidoo kale Hogaanka kale ee ciidanka ayaa iyaguna warbixino halkaa ka bixiyay.

Madaxa Badbaadada ee Shirkada Dp World ee Bariga Dhexe Mr. Elsie ayaa ka mahadnaqay soo dhawayntan iyo kulankan uu la qaatay maamulka dab-demiska waxaanuu tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshaha taliska ciidanka dab-demiska, sidoo kale wuxu tilmaamay in iskaashi iyo wadashaqayn ay wada yeelan doonaan ciidanka dab-demiska qaranka kana wada shaqayn doonaan horumarinta iyo Yagleelida dab-demiska magaalada Berbera oo muhiim u ah Shirkada Dp world iyo magaaladaba.

Ugu dambayna waxaa waftigu soo mareen dhamaan qaybaha kala duwan ee taliska guud ee ciidanka dab-demiska iyadoo indhahooda ku soo arkay waxqabadka ciidanka dab-demiska, sidoo kale kulankaa ayaa ku soo dhamaaday jawi is afgarad.

bandhige@gmail.com