Nin U Dhashay Ruushka oo laga soo Badbaadiyay Badda Markii uu Dul Sabaynayey 67 Maalmood

Nin u dhashay dalka Ruushka ayaa la badbaadiyay ka dib markii in ka badan laba bilood uu ku dhex jiray doon yar oo nooca la buufiyo oo maraysay badda Okhotsk ee bariga fog ee Ruushka.

Saraakiisha ayaa sheegay in ninkan oo magaciisa lagu sheegay Mikhail Pichugin oo 46 jir ah, waxa helay dooni kalluumeysi meel 1,000km u jirta meeshii uu ka bilaabay socdaalka horraantii Agoosto. Meydadka walaalkiis iyo wiil uu abti u ahaa oo 15 jir ah oo la socday ayaa la sheegay in laga dhex helay doonta.

Xaaska Mr Pichugin ayaa sheegtay in saddexdan qof ay badda galeen iyaga oo doonaya in ay daawadaan nibiriga sahay cuntona waxay u qaateen muddo laba toddobaad ah.

Waxay u sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda Ruushka ee Ria Novosti in miisaankiisa laga yaabo inuu qayb ka ahaa badbaadadiisa – wuxuu ahaa 100kg (15st 10lb) markii uu safarka u baxayay, waxayna wararku sheegayaan inmiisaanku kala badh uun ahaa markii la soo badbaadiyay 67 maalmood ka dib.

“Wax intaa ka faahfaahsan ma ogin, keliya waxaan ognahay inuu nool yahay… arrin mucjiso ah!” ayay u sheegtay wakaaladda Ruushka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in gabadha ay dhaleen ay ahayd in ay safarka raacdo, balse ay go’aansatay in ay ka hadho.

Diyaarad helikobter ah oo loo diray in ay baadigoobto ayaan wax raad ah iyo ruux midna ka  helin saddexdan qof iyo doonidooda, sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Ria.

Doontan ayaa la helay Isniintii xilli ay dul sabaynaysay badda waxa arkay doon kalluumaysi oo maraysay badda Okhotsk, oo ka baxsan xeebta Jasiiradda Kamchatka, taas oo dhacda bariga fog ee Ruushka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ruushka.

Nin gar leh oo xidhan jaakad badbaado ah ayaa la arkayay isaga oo u qaylinaya kalluumaysatada: “Tamar iima hadhin” ayuu ku hadlay markii la qaadayey iyada oo la geeyay meel ammaan ah, sida lagu baahiyey muuqaal la soo dhigay xafiiska xeer ilaalinta.

Wakaallada wararka Ria ayaa magacowday magacyada saddexda qof: Mikhail Pichugin oo 46 jir ah. Meydadka walaalkiis Sergei, 49, iyo wiilka uu abtiga u yahay Ilya.

Sida uu u awooday inuu ku noolaado muddo dheer Badda Okhotsk – oo ah tan ugu qabow Bariga Aasiya ayaa wakiilo ka socda midowga badmareenada Ruushka ku tilmaameen in laga yaabo in sahayda kalluunka badda ay qayb ka qaadatay.

Nikolai Sukhanov, ayaa u sheegay Ria Novosti xaaladdan oo kale waxaad ku badbaadi kartaa inaad kalluun qabsato adiga oo isticmaalaya qaab kasta iyo tab kasta.

Mr Pichugin ayaa hadda ku soo kabanaya cisbitaalka, halkaas oo lagu tilmaamay in uu ku sugan yahay xaalad “mid aad iyo aad u deggan” oo ay dhakhaatiirtu sheegeen.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay bilaabayaan baadhis dambiyeed, iyada oo doonta yar la baadhayo, layskuna deyayo in la ogaado sida ay wax u dhaceen.

Ma ahan markii ugu horeysay ee sidan oo kale badda dooni maalmo badan ugu lumaan – khabiir ayaa Ria Novosti u sheegay in afar askari oo ka tirsan Midowga Soofiyeeti ay 49 maalmood ka badbaadeen dooni yar oo ku socotay badweynta Baasifiga sanadkii 1960-kii, ka hor inta aanay qaadin markab diyaaradeed oo Maraykan ah.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com