Nin weeraray safaaradda Yuhuudda ee Turkiga

 

Nin ku hubaysan mindi dhererkeedu yahay 30CM ayaa maanta isku dayey in uu xoog ku galo safaaradda Israa’iil ay ku leedahay Turkiga. Booliska ayaa ka il horreeyey kadibna waxay ka toogteen lugta.

Ninkan ayaa magaciisa lagu sheegay Osman Nuri Caliskan waana afartan jir u dhashay dalka Turkiga. Waxa socda baadhitaan ku saabsan sababta weerarka uu u gaysanayay iyo in uu weerarka cid kale ku wehelisay amaba ay ka dambaysay.

Wasaaradda  Arrimaha Dibedda ee Israa’iil oo goor dhawayd war soo saartay ayaa sheegtay in ninkii weerarga gaystay gacanta lagu dhigin iyadoo shaqaalihii safaaradda aanay wax khasaare ahi soo gaadhin.