Ninkii aniga Maalliyada iga tirsaday saddex jeer ayuu lacag soo daabacday, sababtuna waxay ahayd in uu yidhaahdo dakhligaan soo saaray wuu ka badan yahay kii Ina Xaashi, Wasiirkii hore Maaliyadda

 

Wasiirkii hore ee maaliyada Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay muddo kordhinta la hadal hayo in loo sameeyo xukuumada madaxweyne Siilaanyo, sixir bararka iyo shaqada golaha guurtida Somaliland.

Eng Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sixir bararka ka taagan Somaliland dusha ka saaray wasiirkii xilka kala wareegay ee Cabdicasiis Samaale, kaas oo uu ku eedeeyey inuu soo daabacay lacag badan oo aan loo baahnayn.

Ugu horayn Eng Maxamed Xaashi oo ka hadlaya xildhibaanada golaha guurtida iyo mudo kordhinta ay hadyo jeer sameeyaaan ayaa waxa uu yidhi:

“Dadka xilka loo dhiibay ee kitaabka gacanta saaray ee goor walba jabinaya sharcigii lagu heshiiyey waa mid subxaana leh, Xaaji Cabdi iyo Saleebaana shaqo kale may qaban intii dalka lagu soo noqday waa mudo kordhin waxa ay goor walba ka shaqeeyaan, mudo kordhintu waxay ku timaadaa marka duruufo yimaadaan tan maantana way taagan tahay laakiin intii hore oo dhan mid qudhi may taagnayn oo xaaladihii lagu samayn lahaa mudo kordhinta may jirin, tan maanta qudheeda hadii la kordhiyo mudadii maxay soo kordhinaysaa, Guurtidu iyagaa ku baabaday mudo kordhintan ay sameeyaan, 82-kii ay ahaayeen barigii la magacaabay 11 ayaa ka jooga 5 ayaa caafimaad qabta intii kalana meesha way ka baxeen, kitaabkan ay gacanta saarayaan ee ay goor walba beenta ka sheegayaana waa mid subxaana leh, xilkuna waa amaano loo dhiibtay amaanadu waa in siday tahay loo isticmaalo waxan ay iyagu ku war wareegaana maaha wax meesha yaala, Siilaanyo mar hore ayaa loo kordhiyey hadana hala kordhiyo mudo kale waxay ila tahay inay mid aad u khaldan tahay, markaa nimankan guurtidu qaar xishoonaya maaha niman dalka dan ka lehna maaha waxaas ay iyagu qaadanayaan ayuunbay danaynayaan.”

Sidoo kale waxa uu madaxweyne siilaanyo u soo jeediyey inuu dhiso dawlad kooban oo wax badan u qabata dalka waxaanu yidhi:

“Waxaan odhan lahaa ha kordhinine dawlad kooban hala dhiso oo kharashkan ku baxa wasiirada wax halaga reebo, imika 137 Million oo ku baxa wasiiradu waa lacag badan, lacagtaas waxbay tari lahayd imikana maxay ku qaban, waxay odhanayaan ciyaal iskuulka shilin shilin soo ururiya waxaasina caqli maaha, kolkaas inuu Siilaanyo ka maqlo may ahayn inuu wakhtigiisa iska wato ayey ahayd, inuu yidhaahdo hadaad doorashada galaysaan gala hadii kalana wixii lagu tashanayo halagu tashado.”

Eng Maxamed Xaashi ayaa sixir bararka dalka ka jira ku eedeeyey inuu sababay wasiirkii xilka ka tirsaday ee Cabdicasiis Maxamed Samaale, kaas oo uu sheegay inuu soo daabacay lacag badan oo aan loo baahnayn waxaanu yidhi:

“Sixir barar kaliyi ma jiree wasiir bararna wuu jiraa, sixir barar iyo wasiir barar ayaa isku keen galay waa laba subxaana leh, ninkii aniga iga tirsaday maaliyada sadex jeer ayuu lacag soo daabacday, lacagtaasina mid loo baahnaa may ahayn oo faa’iido ayaan ka tagay(Surplus) iyada oo aan xilka qabtay iyada oo dayn badan lagu leeyahay oo xataa mushaharkii ay bixin waayeen, laakiin isaga lacag ayaan uga tagay inuu lacag soo daabacdana may ahayn, lacagtii uu soo daabacay suuqa ayuu galiyey  dabadeedna waa la sarifay sababtuna waxay ahayd inuu yidhaahdo dakhligii aan anigu soo saaray wuu ka badan yahay kii Ina Xaashi.”

Sidoo kale Eng Maxamed Xaashi waxa uu dhaliilay qaabka uu shaqaalaha u qaadan jiray wasiirkii uu xilka ku wareejiyey waxaanu yidhi:

“Anigu dariiqa ayaan u xaadhay, shaqaalaha waxaan ku qori jiray imtixaan, shaqaale aan imtixaan soo marina may shaqayn, kuwii dhacayna waan ka saaray, dadkuna inuu tartamo oo shaqaaluhu tartamo ayuu ku fiican yahay, waayo wax ayaa u kordhaya markaa, wasiirkii iga tirsaday markii uu ka tagayey waxa uu sii qortay dhawr boqol oo shaqaale ah kuwaas aan miisaaniyadaba ku jirin waana mid aan la aqbali Karin.”

Xigasho: Hubaal Media.

bandhige@gmail.com