Ninkii qaraxa ka gaystay New York oo la ogaaday in uu Bangladheshi yahay

Qarax kooban oo aan cidina wax ku noqon ayaa maanta ka dhacay xaafadda caanka ahย  ee Manhattan ee ku taalla New York.

Qaraxan ayaa la tibaaxay in uu gaystayย  nin 27 jir ah oo Bangladeshi ah oo magaciisa la yidhaaย Akayed Ullah, kaas oo isku soo xidhay walxa fudud oo qarax samayn kara kuwaas ooย  uu guriga dhexdiisa ku samaystay sida ay sheegeen sarakiil ka tirsan booliska New York.

Qaraxan ayaa dhaawac fududi ka soo gaadhay saddex qof oo uu ku jiro Akayed oo ahaa wiilka rabay in uu is qarxiyo. Haseyeeshee waxa qaylo, sawaxan iyo argagax ka dhaxay xarunta tareennada laga raaco eeย  ku taal New York oo ah meel aad u mashquul badan.

Boolisku waxay sheegeen in baadhitaanku socdo, haatanse la og yahay in uu ahaa weerar isku day ah oo argagixo wixii faahfaahin ahina ah dhakhso u soo bixi doonaan.

Bandhige@gmail.com