Nuxurka khudbad miisaan culus leh oo Guddoomiyaha KULMIYE ka jeediyey Laascaanood, daahfurka qaybtinta kaadhka codbixiyaha

 

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad miisaan culus leh oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Sool.

Murrashax Muuse Biixi oo ka hadlayey xaflad lagu daah-furka qaadashada kaadhadhka codbixinta doorashooyinka ee labada Gobol ee Sool iyo Sanaag oo lagu qabtay magaalada Laascaanood maanta, ayaa khudbaddiisa liishaanka ku saaray arrimo door ah oo ay ka mid yihiin taakulaynta dadka abaartu tabaalaysay, waxqabadka xukuumadda KULMIYE ee ku wajahan Gobolka Sool, isku tashiga bulshada ee dhinaca horumarka, isbeddelka cimilada, ujeeddada xisbiyada loo samaystay, hal-abuurnimada dhinacyada dhaqaalaha, talo-wadaagga, nabadda iyo wada-noolaanshaha, is dhexgalka bulshada, kor u qaadista xirfadda caadimaad ee muwaadiniinta reer Somaliland iyo abuurita qorshe ay Somaliland si nabadgelyo ah ictiraafkeeda ugaga heli lahayn dhigeeda Somaliland.

Ugu horrayn, waxa uu ku dheeraaday sida hagar la’aanta ah ee xukuumadda KULMIYE horumarka ugu horseeday Gobolka Sool iyo isbeddelka toolmoon ee gudaha magaalada ka muuqda tan iyo intii xukuumaddani talada haaneedday, isaga oo difaacay eedo xubno mucaarid ahi xukuumadda u jeediyeen, isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Haddii la sheego waxa xukuumaddu qabatay waa waxa uu dalku hore ugu maray, faanna maaha ee waajibkeena uun aynu gudanay oo weynu is xusuusinaynaa oo waxaannu leenahay marka dambena aannu kasii badino, maantana Laascaanood waxay leedahay 15km oo magaalada dhexdeeda mara oo laami ah, xukuumadda iyo dadweynaha ayaana ka wada qaybqaatay, dawladuhuna dadka inay hawlgeliyaan oo maankooda iyo maskaxdooda isku geeyaan oo wax ugu qabtaan weeye, ammaantaana waxa iska leh shacabka reer Laascaanood, dawladooda hoose iyo dawladda dhexe, iminkana waxa la dhisayaa dugsigii Shire-gaab, waxa kale oo socda cusbitaalkii Laascaanood oo hore loo dhisay sannadkii 1945-kii oo ay ku baxayso lacag dhan $3.5 milyan (Saddex milyan iyo badh) oo ku yimi iskaashi aynu iskaashanay, Biyaha Laascaanood oo dhibaato badani innaga qabsatayna oo meelo badan oo aynu isku daynay aynu biyo macaan ka weynay ayeynu qorshihii biyo meel kale loogaga soo qaadi lahaa wadnaa, waanu inoo hirgeli doonaa.”

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sharraxay ujeeddada laga leeyahay in la qaato kaadhadhka codbixinta, isaga oo caddeeyey in xukuumaddu wax badan qabatay, isla markaana waxa uu bulshada ku ammaanay ay jiraan horumar dhinacyo badan taabanaya oo ay shacabku ku tallaabsadeen, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi:

“Kaadh-qaadashada maantu waxaynu ka doonaynaa in ayu berri  ku codayno oo aynu dooranno madaxdii berri dalka hoggaamin lahayd, dawlad kasta oo ina soo martayna haddii aynaan xaqiiqada iska qarinaynin wax bay qabatay, maantana dadkeena oo ah qaar hal-abuur leh waxa aynu hore ugu marnay, waana dhab oo dhaqaaluhu inooma wada qaybsamo, laakiin dad badan oo reer Somaliland ah oo  gobol walba ahi waxay sameeyeen shirkado waaweyn oo lagu faani karo iyo dhaqaale weyn oo qaranka wax u tari kara marka hoggaamin fiican, amni fiican iyo talo fiican loo helo.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu murrashaxu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey horumarka dhinaca ammaanka ee Somaliland ku tallaabsatay taas oo ay sababteeda qayb weyn ku lahaayeen waxgaradka reer Somaliland:

“26-ka sannadood waxa aynu abuurnay hal-abuur nabadeed oo aynu maanta ognahay halka aynu kasoo bilownay, 1991-kii markii aynu isugu nimi Burco nabadii uu bilaabay Garaad Cabdiqani ilaa maanta odayaal iyo dhallinyaro nabaddii aynu wadnay waxa aynu maanta taaganahay in jaamacaddii Nugaaleed oo aqoonyahan Somaliland ahi kasoo baxayo oo deggen, Somaliland oo dhammina isugu timaado oo kaadh-qaybintii laga wado Laascaanood.”

Waxa kaloo uu si cilmiyeysan uga hadlay dhibaatada bulshada ka haysata dhinaca caafimaadka, isaga oo soo bandhigay qorsheyaal waxtar leh oo dhibaatadaas lagaga bixi karo, waxaaanu yidhi:

“Waxaynu u baahanay mushkiladda ah in qofkii bukoodaba innaga oo aan itaalba haynin in loo qaado Hindiya, lacagta aynu Hindiya ugu qaadno ee sannadkii innagaga baxda haddii aynu xisaabino waxa aynu ku kari karaynaa in dhakhaatiirta takhasusaadka leh ee Hindiya joogta iyo agabkoodaba aynu Somaliland keeno, waana marka aynu waxeena isku geysanno ee aynaan qof qof u soconin.”

Dhinaca kale, Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu jawaab adag u diray dawladda taagta daran ee Soomaaliya, waxaannu tilmaamay in Somaliland xalka dhiggeeda Soomaaliya wax weyn ka tari lahayd haddii aqoonsiga ay xaqa u leedahay hesho, isaga oo hogo-tusaaleeyey qorshaha arrintaas ku aaddan ee looga fadhiyo madaxweynaha soo socda ee Somaliland:

“27 sannadood waxa aynu kala lulanay Muqdisho, Somaliland-na 1960-kii bay dawladnimo qaadatay iyada oo isku dhan, mana necbi Soomaali ee danteenii iyo maamulkeenii baa kala duwanaaday, haddii ay iyagii ilaa hadda qarax, dil iyo dhibaato ka jirto waxa aynu innagu wax u tari karnaa marka ay ogolaadaan inaynu wax noqonno, dabadeedna iyaga u gurmanno oo aynu wada noolaanno, caqlina maaha anaa gubanayee dabka ila soo gal, dawladda la dooranayaana waa inay si nabad ah oo garnaqsi ah oo walaaltinimo ah aynu ugu kala baxnaa innaga iyo dawladda Muqdisho.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka khudbadda Guddoomiye Muuse:

bandhige@gmail.com