Nuxurka kulan Lagu qabtey xarunta gobolka Maroodi Jeex oo lagaga hadlaayay Arrimaha nabad-galyada iyo dardargelinta guddiyada iyo laamaha ammaanka ee Gobolka

 

Guddoomiyaha gobolka maroodi jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale”, ayaa maanta xafiiskiisa ku qabtey shir lagaga hadlaayay adkeynta iyo illaalinta nabad-galyada ee gobolka Maroodi-Jeex gaar ahaan Caasimadda Hargeysa. Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen dhammaan masuuliyiinta laamaha amniga ee Gobolku sida, Wasaaradda Arrimaha Guddaha waaxda amniga, Masuuliyiinta ciidamada billeyska, Maamulka iyo madaxda ciidanka dabdamiska, Guddiyada Nabadgalyada heer gobol iyo heer degmo iyo Guddida illaalada ee degmooyinka iyo xaafadaha caasimada Hargeysa.

Kulanka waxa u ujeedadiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa wada shaqeynta masuuliyiinta laamaha ammaanka horumarinta nidaamka hab maamul ee nabadgalyada iyo sidii leysaga warhayn lahaa dhamaan, waxaa kaloo kulankan lagu lafo gurey qodobo muhiim ah oo ay kamid yihiin.

  1. Illaalinta Caafimaadka goblka, nadaafadda iyo billicda caasimada.
  2. Adkeynta amniga guud ee gobolka Maroodi-jeex iyo caasimada Hargeysa.
  3. Hannaanka wada shaqeyneed ee laamaha amniga, guddiyada nabad-galyada iyo gaadhadhka degmooyinka.
  4. Xaalada wada shaqeyneed iyo ka warheynta sugida amniga.

Ugu horeyn waxa shirka daah furey Guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Cabdilaahi Jibriil Gaaxnuug “Buraale”, wuxuuna yidhi:

“Ilaalinta Nabad-galyadu waa tiirka ugu weyn ee horumarka dalka, anigoo ka masuul ah guud ahaan bulshoweynta ku nool gobolka Maroodi jeex xil weyn ayaa innaga wada saaran illaalinta iyo adkeynta amniga, daryeelka qurxinta iyo nadaafada caasimada,   waxaan maanta isugu kiin yeedhay dhamaantiin sidii aynu u dardar gelin lahayn hawlaha aynu qaranka uga masuulka nahay, sidaasi awgeed waxaan idin farayaa inaynu illaalino wada shaqeynta guud iyo nidaamka hirgelinta siyaasada qaranka ee ah illaalinta iyo xoojinta nabadgalyada.”

Guddoomiye Buraale isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi:

“Wallaalayaal waxaad kawar qabtaan in nabadgalyadeena khalkhal la galinaayo oo dad cadowgeena ahi intay inasoo dhex maquurtaan ay rabaan inay khal khal ku ridaan hooyooyinka iyo maatida ku nool degmooyinka iyo tuulayowga hoos yimaada gobolka, kuwaas oo adeegsanaaya waxyaabo argagax ku ridaaya shicibka, sida dad layidhi waxay ka ganacsadaan xubnaha banii aadamka, iyadoo ay wararkaasi been iyo borobogaando lagu aragagax galinaayo shicibka ay yihiin.”

Waxa kale oo ay dhammaan guddiyadda iyo laamaha amnigu soo jeediyeen sidii loo yareyn lahaa dadka wax tahriibiya, kuwaasi oo baryahan aad ugu soo badanaaya dalka,  iyo gaadiidka yar yar ee dadweynaha u shaqeeya ee loo yaqaano “RAAXO TAXI” kuwaasi oo intay daaqadaha  iyo guud ahaanba gaadhigaba bacaha baabuurta lagu xidho ku wada xidhaan waxay waddaana aan la ogeyn ayay suuqyada iyo dulleedka magaalooyinka u kaxeeyaan dhallinyarada gabdho iyo wiillal kuwaasi oo fusuq iyo wax diinteena liddi ku ah sameynaya. Waxaa isna kulankaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee ciidanka dabdamiska Cabdiqaadir Cumar Xaashi  waxaana hadalladiisi kamid ahaa:

“Kulankani ma noqon doono kii ugu dambeeyey balse waxaynu wada yeelan doona kulamo kale oo muhiim u ah adkeynta nabadgalyada gobolka Maroodi-jeex gaar ahaan caasimada Hargeysa, waxaan jecel ahay inaan halkan uga faa’iideysto inaan mar labaad ku wargeliyo maamulka iyo masuuliyiinta shirkadaha korontada in ay xadhkaha leydhadhka ee guryaha dulmarayaa ka daryeelaan kana fogeeyaan guryahaas, waayo waxa iman kara dabeylo waaweyn oo ruxan ku keeni kara xadhakahaas kadibna taabsiin kara faloorka guriga halkaasna dab ka dhalan karo, ta kale waa inay ka warhayaan guryaha gaagaaban iyo meheradaha suuqyada ka furan markay tallaalanayaan leydhka halka ugu habboon ee looga tallaali karo.”

Agaasime Cabdiqaadir cumar xaashi Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Waxaa kale oo iyana xusid mudan inaynu ka feejignaano khatarta shubanka ka dillaacey meelo badan oo aynu xuduud wadaag la leenahay dalka Itoobiya,  sidaasi awgeed waa inaynu ka ciidan ahaan iyo ka maamul ahaanba meel ugasoo wada jeedsannaa illaalinta caafimaadka bulshadeena.”

Gabbo gabadii waxa kullanka soo xidhay Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex  isagoo farriin u direy dhammaan guddiyada gaadiidleyda iyo kuwo gaarka loo leeyahayba, waxaanu yidhi:

“Waxa jira gaadiid intey muraayadi ka jabtey dooxyada waaweyn dhex istaagaa ka dibna halkaasi ku daadiya, waxaan idiin sheegaya in waqtiga roobku yimaado biyaha maraaya dooxyada ay ka cabbaan dadka iyo xooluhuba, sidaasi awgeed waxay muraayadahaasi khatar ku keeni karaan caafimaadka dadka kuwaasoo lagayaabo iney cunaha u istaagaan sida hadda leysheegay iney cusbitaalka guud ee magaalada hargeisa ay dad u bukaan, waxaana jira inan yar oo ay cunaha quraaradi kaga jirto taasoo sababtey biyo ay ka cabeysay ceel ay biyo ka dhaamineysay.”

isagoo hadalkiisa sii watana wuxuu yidhi:

“Waxaan idinku adkeynayaa in aynu meel uga soo wada jeedsano illaalinta iyo sugida amniga ee gobolka gaar ahaan caasimada Hargeysa.”

bandhige@gmail.com