Nuxurka Kulankii Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha & Hay’adaha Madaxa banaan ee dalka & Agaasime waaxeedyadooda Qorsheynta

Waxa aannu maanta kulan la yeelanay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha & Hay’adaha Madaxa banaan ee dalka & Agaasime waaxeedyadooda Qorsheynta. Kulan farsamo oo lahaa AFAR ujeedo.

1. Waxa aannu DGs dalka ku wareejinay Mudnaanihii Qorshaha Horumarinta Qaranka ee Labaad oo la dhamaystiray.

2. Waxa aannu DGs ka la wadaagnay Warbixinta Waxyaabihii ay hay’adaha dalku ka qabteen QHQ2aad (NDP II Progress Report).

3. Waxa aannu DGs ka la wadaagnay Xogta Deeqaha Dalka soo Galay (Aid Flow Report).

4. Waxa sidoo kale aanu DGs ka la wadaagnay Qiimayn ay WQ&HQ ku ku samaysay Waaxaha Qorsheynta & Xogta ee hay’adaha kala duwan ee dalka (Planning & Statistics Departments Assessment Report).

Waxa uu ahaa kulan guud ahaan Agaasimayaasha Guud ay iskaga xog waraysteen sidii loo dar-dar galin lahaa wada shaqaynta hay’adaha dawladda dhexdooda.