Nuxurka war-qad uu Xisbiga Waddani u diray Wasaarada Cadaalada Somaliland

Ujeedo: Codsi Kor-meer Jeelasha Dalka

Mudane: Wasiir

Kadib markii aanu aragnay war-bixintii Hay’adda Amnesty international,  ka soo saartay qaar kamid ah xabsiyada dalka, annaga oo ka war-qabna dhacdooyinkii is-dabajooga ahaa ee ay ku jiraan dhimashadu dhawaan ka dhacday xabsiyada dalka, annagoo tix-gelin u hayna hawsha aad qaranka u hayso, waxaanu si milgo iyo maamuus leh kaaga codsanaynaa in aad noo ogolaato in aanu soo kormeerno muwaadiniinta maxaabiista ah ee xoriyaddooda laga qaaday ee ku jira jeelasha dalka, gaar ahaana magaalooyinkan

  1. Boorama
  2. Gabiley
  3. Hargeysa
  4. Berbera
  5. Laascanood
  6. Iyo Ceeriogaabo

Si aanu wax uga ogaanno xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin muwaadiniintaasi iyo sababaha keenaya dhibaatooyinka dhiilada leh ee ka soo noqnoqanaya Xabsiyada.

Waxaanu ku rajo-weynahay in aad noo ogolaato codsiga kor-meerkayagaas

Wabilaahi Tawfiiq

Barkhad Jaamac Batuun

Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani

Halkan hoose ka akhriso lifaaqa warqada ka soo baxday Waddani:

252

bandhige@gmail.com