Dhacdada Burco ee isgaashaanbuuraysiga labada beelood ma aha wax dadka hore uga qarsoonaa. Beelaha siyaasadda iskugu hiilinayaana maanta ma bilaabmin. In la sheego waxa la is odhan karaa wixii hoos aan u wada ogeyn ayey kor u qaadeen. Dad badan markaasay la urtey.
Urta dhabta ahi waa in wakhti omos ah, oo dad iyo duunyaba halis ku jiraan lagu dul galo hirdan siyaasadeed oo giniyadii deeq iyo sandulle (cashuur) lanagaga qaaday lagu dul xusuusiyo dadka โhadda ballanteenu waa xisbiga talada haya.โ Urta qudhmuuni waa taas.
Kuwo sumcad ka dayaya odhaahaha qaar waxba yaanay ku dhaleecayn dhacdada Burco inay qabyaalad tahay. Xisbiyada iyo sida beeluhu u kala taageeraan una kala taageeri jireen tan iyo bilowgiiba waan la soconaa. Waxbana yaynaan nadiif iskaga dhigin hadal aynaan fulinayn. Ragga iyo haweenka leh qabiilka ha laga xoroobo tijaabada ugu horreysa ee u taal waa maalinta ay guursadaan mid ka mid ah qabiilada inaga mid ah een qiimigoodii aan inagu islaweynideena isutusinay inayna ka qabiilkeena la sinnayn.
Guurkani ma aha guur quluub naxariiseed iyo jidhnax ku yimaad kadib marka tudhaaleyaashu xaaladda qabiiladaas intay hoos u dayaan ka qiiroodaan halka dhaqanka gaboobay wax dhigay. Lidkeedaโe, waa inuu noqdo mid ay ula haasaawaan oo ugu soo harraadaan sida gabadh kasta oo la guursado loola haasaawo looguna soo harraado. Gelbiska iyo farxadda, waa in loogu luuqeeyaa, โWaa laba goboo, way is guursadeenโฆโ Waxase ka horraysa, ma baranayaa? Ma arkayaa? Sawtaa ina hor socota ee aan inoo muuqan, iyadoo cid waliba ka qurux badan.
Inta intaas ka sokaysa, waxa meesha yaal ma aha wax ka ridan hadalkii Aanatool Faraanis (Anatole France) ee u dhignaa, โAwoodiisa bokhran ee sinnaanta awgeed, xeerku wuxuu ka wada mamnuucay hodanka iyo saboolka inay hoos jiifsadaan kaabadaha, inay sadaqaystaan, iyo inay xadaan roodhida.โ Waa isla weynida damiireed iyo berisamaadka dheefeed ee kuwa majaraha hayaa uga wada xaaraantinimaynayaan ka ku qatan iyo ka ku qudhqudhiyey magac qabiil in qabiil wax lagu wada raadsado. U habboonaa ka ku dhergey!
Meel qabiilo wax lagu qaybsaday, qabiilkaaguna haysto inta ugu badan, xilka damiireed ee ku saaran ma aha inaad tidhaa qabiil in lagu qaybiyo waan ka soo horjeedaa oo keliya, waaba haddii ay kaa dhab tahaye. Xilka damiireed ee ku saaran waxa ugu horreeya waa inaad ka shaqayso sidii qabiilada wax ku laโ uga heli lahaayeen saamigoodii. Haddii kale arrinkaagu waa ninkii hodanka ahaa ee laga mamnuucay, ama naftiisa ka mamnuucay, roodhida xadideeda. Markaad dadka ugu qudbadayso ka tega qabyaaladduna, dhegahoodu waxay maqlayaan oo keliya odhaah u dhiganta tii caan baxday ee ahayd, โDadyahaw, haddaad roodhida weydeen, maad keegaba cuntaan!โ
Qofku, isagoo ku saxsan, ayuu gar ku dhigan karaa haddiiba aan qabo asalka aragtida ee qabiil-wax-ku-qaybsigu inuu qaloocan yahay, cadaalad ku dhawaynta qabiiladaasi maxay taraysaa? Ku darsoo waxa la arkaa in isagu aanu si gaar ah ugu dan qabin, sidaas darteedna aan lagu qaadi karin gef aanu isagu galabsan. Waxay tani kuu tusi kartaa inuu leeyahay miisaankii iyo milgihii qof damiirkiisu xalan yahay oo kale.
Jawaabtiisu laakiin meesha ay taal waa inuu ku qabo dan dadban. Inkastoo laga yaabo in naftaadu ayna dan toos ah ku qabin, haddiise lagaaga filnaado inta qoyskaaga ee kugu dhawdhaw, kuma haysato dhib la mid ah ka aan isaguna ku dan qabin, qoyskiisuna ka qatan yahay oo kale. Adigu haddaad leedahay qof aad ugu illato markay wax soo gudboonaadaan, hawl adduunyana ma soo hawraarsan waydee, dad baa iyaga loo soo illadaa, iyaguna ku dulman meesha. Kayn haddaad ku jirtid, waad iska xaaraantimayn kartaa cunidda geedaha qaar. Saxaraha se, geedka ugu horreeya ayaad ku qamaami. Sidaa darteed, intaanad ku doodin โdan kuma qabo anigu,โ bal kala hubso inaad tahay geed saxare ku yaal iyo geed kayn ku yaal.
Isku soo xooriyoo, halka arrinku yaal maaha โSidee qabyaaladda looga baxaa?โ Qofka ay halkaas kaga dhegto, meel uu uga soconayaa ma jirto. Halka arrinka dhabta ahi yaalaa waa, โSidee ayaa bulshadani ugu dhawaan kartaa cadaaladda iyo horumarka?โ Dunida waxa badan dalal aan lahayn qabyaalad, ugu yaraan ta inagu aan naqaan, oo haddana cadaalad daran, horumarkooduna liito. Waxase labadaasiba u carisqalan yihiin hawlo aan kasoo soke marinay, tirtiridda qabyaaladda kow ka dheh, oo laga yaabo inayna xidhiidh toos ah la lahayn gaadhista ama ku dhawaanshaha labadoodaas toona (haddaad ku doodo qabyaalad tirtiristeeda maba aynaan bilaabin, kugula yaabi maayo illeyn waa dedaal dhantaalan waxaan ku wadnaayi oo waataa xisbi iyo qabiil aan labada lugood kula kala jirnee). Meel kasta ayaan la taagannahay, โUf qabiil anaa idhiโdii Alle ha u naxariistee Gaarriye. Hoostana waxaan doono ayaan ku laaqannaa. Malaha waa wixii laga waday odhaahdii carruurnimaddii aan ku luuqayn jirney ee u dhignayd:
Dhuuso waa nafteena
Waa nafaafurteena
Kii la yaabow
Taadu yeedhay
Taydu yuustay!
Dhaleecaynta ka taagan arrimaha qabiilka iyo xisbiyadu siday isugu milmeen waxay u egtahay oo keliya, โUrtu waa yeelkadeede, yuus ayaa la iska rabaa.โ Taasina arrin maaha. Waa halkii odhaahdii weynayde, โFadhigaa fadhi uga noqdaโโฆ
Hoos ka akhriso maqaallo hore oo uu qoray Mukhtaar Xasan Maydhane
Kooxda Akhriska ee Qalin-Leef: warqad furan
Jaadadka Keligii-Taliyaha Reer Afrika
In Defense of The Defenseless: Both Somalis and Cadaan
maidhane@yahoo.com