Dadkii ugu badnaa ee tahriibayaal ah ayaa sannadkan 2016-ka gaadhay dalka Talyaaniga.
Muhaajiriintan oo isticmaala doonyo tabar-baran ayaa xoogooda ka imanaya dalal ku yaala woqooyiga qaaradda Afrika sida lagu sheegay macluumaad-ururin dhowaan la sameeyay.
Dalka Talyaanigana waxaa laga dareemayaa culaysyada la xidhiidha dejinta iyo magan-galyo siinta muhaajiriintan.
Inkasta oo Waddamada Yurub sameeyeen dadaalo lagu yarayno dadka qaxoontiga ee soo galaya Yurub haddana waxa tirsada soo gaadhay Yurub ka badan tiradii sannadihii hore soo gali jiray.