Sida xaqiiqadu tahay wasiir Samsam Cabdi Aadam waa shaqsiyad ku sifowdaw wax qabad. daacadnimada, hawlkarnimada xilkasnimada ee si siman uga muuqda qarankan Somaliland.
Waa wasiirka kaliya ee ilaa hadda aan lagu xaman shaqo xumaan ama in ay ka gaabisay waajibaadkii ay qaranka u haysay.
Waa wasiirka laba xil oo ay qabatay labadaba laga mahad sheegtay kuna amaanan.
- Wasaaradii waxbarashada waa la ogaa saqiir iyo kabiir halkii ay gaysay iyo sidii ay uga dhigtay wasaarad lagu hirto oo dhaqdhaqaaqeeda iyo tabantaabinta shaqaalaheeda iyo macalimiintaba ka dhigtay qaar kusoo hirta oo ogaaday in qofkii wax qabtay uu wax helaayo Sida:-
- Caafimaad bilaasha
- Gunayn cidii shaqaysata
- Abaal marin cidii muddo dheer usoo xusul duubay wasaaradda iyo bulshadaba
- Waxa ay dhismaha dugsiyada gaadhsiisey Somaliland halka ugu dambaysa sida Toqoshi.
Marwo Samsam faraskeedu waa mid aan daalin mugdi iyo wadooyin leexsana aan marin.
Macnaha waa daacad u xusul duubta danaha bulshada.
Waxa aan la iloobi karin sida ay ugu taagnayd haddana ugu taagan tahay sidii loo tabaruci lahaa dadkeena abaaruhu halakeeyeen ee mood iyo noolba ka dhammaadeen.
Wasiir Samsam iyada oo ah ruux dumara ayaa ay dhaaftay qaar badan oo xiniinyaha ku faana oo aan waligood waajib ay leeyihiin sidiisa u qaban oo ka sheekeeya qabyaalad iyo reer hebel iyo hebelbaa sidaa yidhi.
Wasiir Samsam dadka iska daayoo duunyadaa u ducaysay.
Wasiir samsam amaan iyo af-gobaadsi igama ahee magaceedu Waa SHAN KA ROON
Dadkan duunyada Illaahay ku dhaqay qaarba waa nooc iyagoo kala duwan oo isugu jira daacad iyo daalinba haddana inta fiican ayaa ugu dambaynta muuqata
Waxa jirey gabay la yidhaa Durdur oo uu Abwaaan Hadaraawi ku faalaynaayo bulshada dadka u madaxda ah iyo noocyadooda wuxuuna yidhi:
Toban doora, toban daacadoo wada dedaaleysa
Iyo toban dannaa guud jiroo dayrshey noloshooda
Iyo toban dadweyna wax ka jira dacawga soo duulla
Iyo toban billaawaha wax dila daabka wada haysta
Iyo toban diyaarado watoo ina dul-meeraaya
Iyo toban sinnaan doonayoo xeerka daba jooga
Iyo toban sabool daadahshoo midigta deeqsiiya
Toban dudaya, toban uurka daba toban kaloo doorsan
Toban didaya, toban duuf-cunoo nacab la daaweysta
Toban dabata, toban toban duur-xuloo garab ku daaqaaya
Dushaa toban ka wada fiicannoo duunka milil jiifo
Iyo toban da’dii soo kacdaba dubata beerkooda
Dadqal iyo abees iyo orgobe diir wax xaganaysa
Iyo toban dibnaha leefayoo damacu heeryeystey
Dib u socod dillaal tuuga iyo daallin iyo gaade
Toban daallan, toban daahan iyo toban kaloo duuban
Diif iyo xanuun toban qaboo duumo wada hayso
Mid dakaansan, mid dayeysan iyo toban deddoonaaya
Toban dalab leh, toban loo dawero toban daleel jooga
Toban daasadaa wada sitoo xagal ka daacaysa
Toban daadsan, dibada mid jira toban dabayl raacay
Toban xoolo daba joogta oo doogsin cararaysa
Intaasoo is wada doonatoo ul iyo diirkeeda
Intaasoo gudmaha daabatoo degelka soo oodda
Intaasoo danaa guud jirtoo daawo wada qaata
Intaasoo fadhiga deysa oo wada dedaaleysa
Intaasoo ladnaan wada degtoo daacadda ogaata
Intaasoo daryeel wada heshoo gaajo dabar goysa
Intaasoo dagnaan loogu iman ama digtoonaata
Intaasoo is daba taaganoo cadow la doodaysa
Intaasoo dagaal wada gashoo dab iyo baaruud leh
Taasaa la wada doonayaaye dan uga faallooda!
Waxaynu u baahan ahay shaqsi sidaas oo kale u go’aan iyo shaqada adag.
Qalinkii Cabdi Caawiye
+ 252634115877