Obama waxa uu ugu baaqay Putin in uu ilaaliyo heshiiska nabada ee laga gaadhay bariga Ukrayn

Madaxweyne Obama ayaa ka codsaday dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, in uu xushmeeyo heshiiskii nabadda ee Minsk bariga Ukrayn.

Aqalka cad ayaa sheegay in intii ay telefoonka ku wada hadlayeen uu Obama hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in Ruushka iyo xoogagga gooni u goosadka ah ay xurmeeyaan xabbad joojinta.

Obama ayaa Putin ugu baaqay in uu ogolaado guddiga gaarka ah ee dusha ka eegaya heshiiskaasi si ay xorriyad buuxda ugu helaan aagga dagaalka, oo ay ku jirto xudduudda Ruushka.

Obama wuxuu kaloo iftiimiyey muhiimadda ay leedahay in si dhakhsiyo leh heshiis looga gaadho qorshe doorasho xor ah looga qabanayo bariga Ukrayn.

bandhige@gmail.com