Aqalka sare odayaasha Maraykanka ayaa diiday codkii diidamada qayaxan ee Madaxweyne Obama uu ku diiday in la dacwad lagu soo oogo dawladda Sacuudiga kaalintii la sheegay in ay ku lahayd weerarkii 11-kii Sebteembar sannadkii 2001-kii.
Ehelada dadkii lagu laayay weerarkii daaraha dhaadheer ee New York ayaa doonaya in ay dacweeyaan dawladda Sacuudiga oo ay rumeysan yihiin in ay ka dambaysay wiilashii waday diyaaradihii lagu dhuftay daarahaasi mataanaha ah.
Xitaa taageerayaasha ugu weyn ee madaxweyne Obama ayaa arrintan ku gacan seydhay, waxa ayna rumeysan yihiin in qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi ay xaq u leeyihiin in ay maxkamad tagaan
Guddi baadhitaan oo weerarkaasi loo saaray ayaanan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in saraakiil sarsare oo Sacuudi ah ama xitaa dawladda Sacuudiga ay maalgelisay raggii weerarkaasi fuliyay.
Basle waxaa jira shaki hoose oo ah in dad aan xilal weyn hayn ay arrintaasi ku lug lahaayeen.
Madaxweyne Obama ayaa arrintan ku tilmaamay mid khalad ah isla markaana horseedeyso waddo xun oo ah in sidoo kale dacwad lagu soo oogo ciidamada Maraykanka ee hawlgalada ka fuliyay waddamda shisheeye.
Wareysi uu siiyay telefishinka CNN ayaa Obama waxa uu sheegay in siyaasadda arrintan khuseysa ay aad u adag tahay.