Obama waxa uu walaal ka muujiyey dhaqaale xumo soo foodsaara dunida kadib aftidii Ingiriisku ka baxay midowga Yurub

Madaxweyne Obama ayaa shaaci ka qaaday in uu jiro walaac laga xidhiidhka dhaqaalaha dunida kadib markii uu Ingiriisku u codeeyeen ka bixitaanka Midowga Yurub todobaadkii hore.

Obama wuxuu sheegay in fursadaha koboca iyo maalgashiga ee Ingiriiska ย iyo dunida inteeda kale uu mushaakil soo wajihi karo.

Wuxuu ka codsaday Raysal- wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo hoggaamiyayaasha kale ee Yurub in ay xaqiijiyaan hanaan hufan oo Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub, si aanan dhaqaalah dunida iyo xidhiidhada kale saamayn togan ugu yeelan.

Ka hor inta aanu Obama hadal ayey Madaxda Yurub ugu baaqeen Ingiriiska in ay oggolaato in dadka reer Yurub ay si xor ah u tegi karaan dalkooda, haddii ay doonayaan in ay qeyb ka sii ahaadaan suuqa mideysan ee Yurub.

bandhige@gmail.com