Obama wuxu baaq u diray Xubnaha Congress-ka oo haatan horyaalo wax-ka-bedelka barnaamijka caafimaadka Obamacare

Former President Barack Obama addresses an audience after being presented with the 2017 Profile in Courage award during ceremonies at the John F. Kennedy Presidential Library and Museum Sunday, May 7, 2017, in Boston. (AP Photo/Steven Senne)

 

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in uu rajeynayo in xubnaha aqalka congress-ka Maraykanku ay noqdaan kuwa ay ka go’an tahay  in ay eegaan xaqiiqda, oo ay ka hadlanan runta, xitaa haddii taasi ay ka horimaneyso mowqifka xisbigooda.

Hadallada Obama ayaa yimid isaga oo magaalada Boston ku aqbalay biladda geesinimada ee John F. Kennedy, iyo maalmo kadib markii xubnaha aqalka wakiilada Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga ay ansixiyeen sharci beddel u noqon doona barnaamijka daryeelka caafimaad ee Obamacare.

Obama ayaan soo hadal qaadin madaxweynaha beddelay ee Donald Trump iyo isku daygiisa uu ku doonayo in lagu baab’iyo oo lagu beddelo barnaamijka Obamcare.

Obama ayaa soo hadal qaaday xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee congress-ka ku cusbaa markii la ansixiyaye barnaamijka Obamacare 2010, kuwaasi oo bartilmaameed u noqday xisbiga Jamhuuriga. Wuxuu sheegay in xubnahaasi ay sameeyeen waxa saxda ah ayna u dhaqmeen si dhiiranaan leh, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan rajeynaa in xubnaha congress-ka ee iminka ay ogaadaan inay u baahan tahay dhiiranaan in loo doodo kuwa baylahan ee xanuunsanaya aan lahayn awoodda. Waxaan rajeynaa inay fahmaan in dhiiranaanta ay tahay in la sameeyo waxa saxda ah.”

bandhige@gmail.com