Odoroska Miisaaniyaddda sannadka 2017-ka kadib markii ay xildhibaanaddu kal-fadhigii hore isku gacan saareen

 

Golaha wakiilada ee haatan ku dhow in ay laba iyo toban jirsadaan ayaa waxay maanta duuduub ku odoroska miisaaniyadda sannadka 2017-ka.

26-kii bishan aynu ku jirno ayaa waxay sasiirka Wasaaradda Maaliyadda Samsam Cabdi Aadam u gudbisay golaha wakiilada odoroska miisaaniyadda sannadka 2017-ka.

Fadhigii maanta ee golaha oo ansixinta miisaaniyaddani buuq ka abuurtay, ayaa lagu ansixiyay miisaaniyadda sannadkan oo dhan 362 Milyan oo Doolar.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa kasoo horjeestay in miisaaniyadda duuduub lagu ansixiyo, hase yeeshee cod loo qaaday ayaa waxaa batay xildhibaanada ogolaaday in miisaaniyadda la ansixiyo.

Golaha baarlamaanka Somaliland ayaa waxa caado u noqotay in ay mooshinadda maalinta hore ka doodaan, balse marka dambe cod aqlibiyad ah.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com